Nin Toorey Ku Hubeysan Oo Dad Ku Dilay Magaalo Ku Taalla Dalka Finland

0
Saturday August 19, 2017 - 12:50:50 in by Burco Office
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Toorey Ku Hubeysan Oo Dad Ku Dilay Magaalo Ku Taalla Dalka Finland

    Nin Toorey Ku Hubeysan Oo Dad Ku Dilay Magaalo Ku Taalla Dalka Finland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin Toorey Ku Hubeysan Oo Dad Ku Dilay Magaalo Ku Taalla Dalka Finland Nin Toorey Ku Hubeysan Oo Dad Ku Dilay Magaalo Ku Taalla Dalka Finland

Ugu yaraan labo ruux ayaa la dilay, lix kalena waa ka dhaawacay, kaddib markii nin ku hubeysnaa toorey uu dadkan ku weeraray magaalada Turku ee Koofur galbeed Finland.


Booliska ayaa daqiiqad gudahood goobta ku gaadhay, iyagoo toogtay ninkii dadka tooreeyay, dabadeedna xidhay.

Weerarkan ayaa durbaba lala xiriiray mid shalay ka dhacay magaalada Barcelona ee dalka Spain, halkaasoo nin watay gaadhi uu dad ku jiirsiiyay, kadibna dilay illaa 13 ruux.

Mas’uuliyiinta Finland ayaa sheegay in dhacdadan aanay la xiriirin karin fal argagixiso, iyadoo ay socdaan baaritaano.

Inta badan magaalooyinka Yurub ayaa waxaa 13-kii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay weeraro mindiyo iyo baabuur loo adeegsaday, waxaana inta badan mas’uuliyada weerarkaas sheegtay Kooxda daacish.