FBI-da Maraykanka Oo Wali Raadineysa Dadkii Gaystay Weerarkii Masaajidka Minnesota.

0
Saturday August 19, 2017 - 12:56:36 in by Burco Office
  • Visits: 460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FBI-da Maraykanka Oo Wali Raadineysa Dadkii Gaystay Weerarkii Masaajidka Minnesota.

    FBI-da Maraykanka Oo Wali Raadineysa Dadkii Gaystay Weerarkii Masaajidka Minnesota.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FBI-da Maraykanka Oo Wali Raadineysa Dadkii Gaystay Weerarkii Masaajidka Minnesota.

FBI-da Maraykanka Oo Wali Raadineysa Dadkii Gaystay Weerarkii Masaajidka Minnesota.

 

 

Hay’adda FBI-da ee dambi-baarista Maraykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lacageed oo dhan 30 kun oo dollar oo la siin doono ciddii soo sheegta dadkii ka dambeeyey weerarkii qaraxa ahaa ee loo gaystay masaajidka Daaru Faaruuq ee ee gobolka Minnesota.


Hay’adda ayaa wali baareysa cidda ka dambeysay qaraxaasi dhacay ibuucii la soo dhaafay.

Waxay sheegeen in qaraxa uu ka dhashay waxyaabo la isku xirxiray. Ma jirto cid wax ku noqotay, hase yeeshee xafiiskii iimaamka ayey waxyeello soo gaartay. Qiyaastii ilaa 20 qof ayaa gudaha ku jiray markii uu qaraxu dhacay.

Maxamed Cumar oo madax ka ah masjidka ayaa CBS News u sheegay in qof jameecada ka mid ah uu arkay gaari xawli kaga cararay goobta markii uu qaraxu dhacay.

"Burburka loo geystay goobtan barakaysan waa mid aan la malayn karin, lana cafin karin. Waxaan rajaynayaa oo aan rabbi ka baryayaa in ciddii ka dambaysay la qabto oo si buuxda sharciga loo mariyo” ayuu Dayton ka sheegay shir jaraa’id oo lagu qabtay dibadda masaajidka oo ku yaalla Bloomington, Minnesota.

Waxaa goobta ku wehliyey Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha wakiillada, lagana soo doorto Minnesota, iyo Keith Ellison oo ah qofkii ugu horreeyey ee muslim ah ee loo doorto inuu ka mid noqdo koongareeska.

"Waxa ay Minnesota uga duwan tahay gobollada kale waa innagoo oggol oo jecel dadka naga midka ah ee aynaan u eegayn diintooda, luqadda ay ku hadlaan, ama halka ay ka yimaadeen” ayuu yiri Ellison.

Mar soo horreysay Golaha Xiriirka Islaamka iyo Ameerikaanka (CAIR) ayaa ku yaboohay in $10,000 la siinayo ciddii keenta akhbaar lagu soo xiri karo qofkii weerarka mas’uulka ka ahaa.

Sidoo kale waxaa abaalmarintaas oo kale ballan qaaday ururka Muslimiinta Maraykanka ee Minnesota.

Bog internetka laga furay oo lagu uruurinayo qaaraan lagu dayactirayo masaajidka ayaa durba lagu uruuriyey in ka badan $40,000.

Ururku wuxuu ka codsaday Masaajidda iyo xarumaha islaamka ee dalka inay sare u qaadaan amniga.