Madaxweynaha Dalka Nigeria Buhari Oo Dalkiisa Dib Ugu Laabtay

0
Sunday August 20, 2017 - 08:56:10 in by Burco Office
  • Visits: 479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dalka Nigeria Buhari Oo Dalkiisa Dib Ugu Laabtay

    Madaxweynaha Dalka Nigeria Buhari Oo Dalkiisa Dib Ugu Laabtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dalka Nigeria Buhari Oo Dalkiisa Dib Ugu Laabtay

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa dib ugu laabtay magaalada Abuja kadib markii muddo saddex bilood ah lagu soo dawaynayay magaalada London.


Wadooyiinka magaalada ayaa waxa isugu soo baxay taageerayaasha madaxwayne Buhari oo ciyaaraya islamarkana heesaya taasi oo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin soo laabashada madaxawayanha.

Waxaa mudooyiinkii ugu danbeeyay dalka Nigeria ka jiray dibad baxyo looga soo horjeeday ka maqnaashiyaha madaxwaynaha ee dalka .

Dibad baxayaasha ayaa qaarkood ku baaqayay in uu xilka iska casilo ,halka qaar kale ay ku baaqayeen in uu dalka dib ugu soo laabmo.

Madaxweyne Buhari ayaa xafiiska la wareegay bishii May 2015 kadib markii uu ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaas hase ahaatee waxaa maamulka dalkaasi sii hayay saddexdii bilood ee ugu dambeysay ku xigeenkiisa Osinbajo.

Tan iyo bishii June 2016 waxaa soo baxayay warar sheegaya in caafimaadka Buhari uusan wanaagsanayn waxaana uu markaas u tegey magaalada London baaritaan caafimaad, iyadoo kaaliyaashiisa ay ku sheegeen sababaha uu u tegey in ay tahay xanuun ka haya dhegaha.

Afhayeenka Madaxtoyada dalka Nigeria ayaa sheegay in subaxnimada isniinta uu qudbad u jeedin doono Madaxweyne Buhari baarlamaanka dalka Nigeria.