Wasiir Ka Tirsan Dawlada Ingiriiska Oo Maanta Safar Ku Imanaya Magaalada Hargeysa Iyo Ujeedada Socdaalkiisu Daaran Yahay

0
Sunday August 20, 2017 - 14:26:29 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ka Tirsan Dawlada Ingiriiska Oo Maanta Safar Ku Imanaya Magaalada Hargeysa Iyo Ujeedada Socdaalkiisu Daaran Yahay

    Hargeysa(AFKA);-Wasiirul dawlaha dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka barwaaqo sooranka Mr. Rory Stewart, ayaa la filayaa inuu maanta socdaal ku yimaado magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);-Wasiirul dawlaha dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka barwaaqo sooranka Mr. Rory Stewart, ayaa la filayaa inuu maanta socdaal ku yimaado magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Rory Stewart oo shalay soo gaadhay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, ayaa la filayaa inuu maanta yimaado magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxweyne-xigeenka, murashixiinta saddexda xisbi qaran iyo wasiirka arrimaha dibadda, waxaanu kala hadli doonaa guud ahaan xidhiidhka Ingiriiska iyo Somaliland, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka Somaliland ku soo waajahan November 2017, iyadoo uu Ingiriisku hore u sheegay inuu bixinayo dhaqaalaha ku baxaya kormeerayaal caalami ah oo goob-joog ka noqon doona doorashada madaxtooyada Somaliland.

Ingiriiska ayaa bixinaya lacag dhan 1.4 milyan lacagta UK ah oo lagu taageerayo nidaamka doorasho ee Somaliland.

Sidoo kale waxa la filayaa in wasiirkani madaxda Somaliland la soo hadal qaado arrinta wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo la filayo inay dib u furmaan marka ay qabsoonto doorashada madaxtooyada Somaliland oo tiraba dhawr goor dib u dhac ku yimid.