Laba Markab Oo Ku Xidhnaa Dekedda Berbera Oo Isku Dhacay, Khasaaraha Ka Dhashay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey ee Xaaladda Marsada Berbera.

0
Tuesday August 22, 2017 - 12:55:24 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Markab Oo Ku Xidhnaa Dekedda Berbera Oo Isku Dhacay, Khasaaraha Ka Dhashay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey ee Xaaladda Marsada Berbera.

    Berbera(AFKA);-Laba Markab oo nooca xamuulka qaada ah ayaa isku dhacay iyagoo ku sugan dekedda Berbera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera(AFKA);-Laba Markab oo nooca xamuulka qaada ah ayaa isku dhacay iyagoo ku sugan dekedda Berbera.

Sida ay xaqiijiyeen qaar kamida shaqaalaha labada Markab ee isku dhacay waxa khasaara weyni soo gaadhay labada markab ee isku dhacay, waxaana ay wararku sheegayaan in dhaawac wayni soo gaadhay Markab Koonteenarada Xambaara ee CMA Kaylas, markabka ayaa dhinac ka dalooshay kana dalooshamay meel sare oo aanay biyuhu gaadhay iyadoo la sheegay in meesha dalooshantay uu taangigii shidaalku ku sii hoos jirya, taasoo ka dhigan in taangiga laftiisa dhaawac soo gaadhay, waxaana shidaalkii ku daadatay khananka hoose ee markabka taasoo u baahan wakhti dheer oo lagu hagaajiyo si uu markabku u dhaqaaqo.

Markabka labaad oo ah noocaha xoolaha qaada oo lagu magacaabo Al Iiman ayaa uu isagana soo gaadhay dhaawac afka hore ee markabka ah, waxaase ay wararku sheegayaan inuu khasaare ahaan ka hooseeyo markabka hore ee CMA Kaylas.

Maamulka Dekedda, Sherkadda DP World iyo maamulka gobolka Saaxil ayaan illaa hadda war rasmi ah ka soo saarin isku dhaca labadan markab iyo khasaaraha ka dhashay.

Geesta kale wararka ka imanaya isla dekedda Berbera ayaa sheegaya in biyo ay subixii hore ee shalay ku soo fataheen dekedda goobta maraakiibta rarka lagag dejiyo taasoo sababtay in shaqadu ay wakhti dheer taagnaato.

Mid ka mid ah shaqaalaha dekedda ee shaqada laga joojiyo markii biyuhu soo fataheen ayaan xaqiijiyey in fataahadda biyaha baddu ay sababtay in shaqada la joojiyo.

Guud ahaan wararkan la xidhiidha dekedda Berbera ee ku saabsan xaaladda hadda taagan ayaa isa soo taraya, inakstoo ay wasiirka maaliyadda Somaliand kormeer ku tagtay dekedda iyo habka shaqadu u socoto oo ay sheegtay inuu iminka aad u fiican yahay hadana walaaca la xidhiidha dekedda iyo hoos u dhaca ku yimi hanaanka shaqo mudadii ay DP World joogtay ayaa isa soo taraya, waxaana xusid mudan in masuuliyiinta dekeddu ay qireen in cillad farsamo awgeed ay shaqada dekeddu in muddo ah taagnayd.

Warkan waxaanu ka soo xiganay shabakadda wararka ee Berberatoday oo si dhaw uga warrantay arrimaha dekedda Berbera iyo guud ahaan gobolka Saaxil