Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Joojiyay La Kulanka Dadwaynaha Iyo Sababaha Keenay.

0
Tuesday August 22, 2017 - 15:34:15 in
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Joojiyay La Kulanka Dadwaynaha Iyo Sababaha Keenay.

    Burco(AFKA);Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Ayaa Tan Iyo Intii U Shaaca Ka Qaaday In Hunguri Kaga Jiro Muuse Dabadii Inuu Hogaamiyo Xisbiga Kulmiye,U Banbaxay Inuu Geed Gaaban Iyo Geed Dheerba U Koro Inuu Helo Balanqaadka Ku Wajahan Hankiisa S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA);Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Ayaa Tan Iyo Intii U Shaaca Ka Qaaday In Hunguri Kaga Jiro Muuse Dabadii Inuu Hogaamiyo Xisbiga Kulmiye,U Banbaxay Inuu Geed Gaaban Iyo Geed Dheerba U Koro Inuu Helo Balanqaadka Ku Wajahan Hankiisa Siyaasadeed,Wasiirka Qorshaynta Oo Shaqadii Loo Igmaday Kaga Mashquulay Olale Ku Saabsan Tageero U Heelida Hankiisa Siyaasadeed Ee Muuse Dabadii

 

Wasiirka Ayaa Bilaabay Olale Ku Saabsan Inuu Tageero U Helo Hankiisa Siyasadeed Oo


Sababatay Inuu Shaqadi U Qaranka U Hayay Kaga Mashquulo Olalale Siyaasadeed ,Taasi Oo Keentay Inuu Ku Biiro Waftigii Baladhnaa Ee U Hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Socdaalka Ku Tagay Goboladda Sool Iyo Sanaag Oo Ay Ka Socato Qaadashada Kaadhka Codbixinta Doorashada,

 

Wasiir Qabo Ayaa Bilaabay Talaabo Ay Ka Mid Tahay Inuu Gabi Ahaanba Qaraar Ka Soo Saaray In Aan Albaabka Hore Ee Wasarada Soo Gali Karin Dhamaan Qaybaha Kale Duwan Ee Bulshada Somaliland Ee Hawlaha Ka Xidhantahay Wasaradaasi,Taaso U Albaabka Wasarada Qorshaynta Ku Dhajiyay Waraaq Ka Soo Baxday Xafiiskiisa Oo Qeexaysa In La Joojiyay La Kulankii Dadwaynaha Iyo Wasiir Ka Qorshaynta Oo Todabaadkiiba Halmar Kula Kulmi Jiray Xarunta Wasarada,

Wasiirka Ayaa Mar Kale Socdaal Kaligii Ah Ku Yimid Goboladda Bariga Somaliland Oo Daba Socda Tageero Radinta Hankiisa Siyadeed Ee Ku Aadan Xilka Gudoomiye Ee Xisbiga Kulmiye Oo Aan Wali Hada Gaadhin Xiligiisi,

Qaar Ka Mida Bulshada Somaliland Oo Ku Hadal Haysay Goobaha Fadhi Ku Dirirka Ayaa Carab Dhabay In Madaxwaynaha Somaliland Ku Haboontahay Inuu Hoos U Eego Talabooyinka U Qaaday Wasiirka Qorshaynta Qaranku.

 

 

Dhawaan La Soco Muqaalo Iyo Warbixino Ku Qotama Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Iyo Wasiiro Kale Oo Tirsan Xukumada U Hogaamiyo Madaxwayne Silaanyo Ee Shaqooyinkii Loo Igmaday Kaga Mashquulay Danahooda Gaarka .