Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga Oo Hadhwanaagnews Uga Waramay Saan-Saan Colaadeed Oo Ka Taagan Degmadda Biyo Guduud.

0
Tuesday August 22, 2017 - 15:47:47 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga Oo Hadhwanaagnews Uga Waramay Saan-Saan Colaadeed Oo Ka Taagan Degmadda Biyo Guduud.

    Hargeysa(AFKA);Wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga Somaliland Axmed Maxamed Nuur Jibriil ayaa ka hadlay saansaan coladeed oo laga dareemayo degmadda biyo guduud oo sodon kiilo mitir kaga beegan dhinaca koonfureed gobolka sanaag.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga Somaliland Axmed Maxamed Nuur Jibriil ayaa ka hadlay saansaan coladeed oo laga dareemayo degmadda biyo guduud oo sodon kiilo mitir kaga beegan dhinaca koonfureed gobolka sanaag.

Wasiirka oo khadka taleefanka kula soo xidhiidhay Qaybo Kamida Warbaahinta  ayaa ugu baaqay odayaasha deegaanka iyo waliba ciidanka qaranka ee ku sugan deegaankaasi in ay dajiyaan xaaladda adag ee ka taagan degmadda biyo guduud.


"Xaalad adag ayaa ka taagan deegaanka biyo guduud oo koonfur kaga beegan gobolka sanaag waxaana saaka is rasaasayn dhexmartay laba beelood oo wadda-dagan deegaanka ku dhinta hal qof waxaana ku dhaawacmay hal qof oo kale,waxaana ugu baaqayaa

odayaasha,salaadiinta iyo isimadda dhaqanka ee deegaankaasi in ay dajiyaan xaaladda inta aanay faraha ka bixin.

 

Waxa uu intaas ku daray wasiirka oo hadalkiisa siiwataa waxaana uu yidhi.”Waxaan ugu baaqayaa ciidanka qaranka ee deegaankaasi ka ag-dhow in ay amaanka deegaanka kacanta ku qabtaan inta aanay dhibtu faraha ka bixin xaaladu way adag tahay qolo kastaa dhankooda ay u hub uruursanayaan,waxaana meesha ka jirta saan-saan coladeed hadaan hadda gacanta lagu dhigina faraha ayay ka baxaysaa.

Wasiirka oonu waydiinay waxa uu ka bilaabay dagaalka labada beelood looga cabsi qabo inuu dhexmaro ayaa waxa uu yidhi.”Hore ayay iskaga dileen laba nin hawshaas xukuumadda ayaa dhamaysay oo diinyadii u kala qaaday,maantana way isku soo noqdeen oo haddana waxa layska dilay nin kale midna waa la dhaawacay inta ay taladu gacanta ku jirto fadhiga halaga kaco oo xaaladda gacanta halagu qabto hadda ayay leedahay sino laqabtaaye.