Ku dhawaad 10 Qof oo Reer miyi ah ayaa Ugu Dhintay Gobolka Bari, kadib markii Ay biyo ka cabeen Ceel Howl gab ahaa, oo Sumeysan,
Waxaana sidoo kale u liita Tobaneeyo Kale oo Uu Soo ritay Xanuunkan, Sida uu Warbaahinta U xaqiijiyay Siciid Abshir Maxamud Oo Ah gudomiye ku xigenka deegaanka Timirshe oo Hoostaga Degmada Isku-shuban
Sidoo Kale Gudoomiye ku xigenka Deegaanka Timirshe ee gobolka Bari ayaa sheegay in arintaan ay saameyn ku yeelatay guud ahaan dadka deegaanadaasi, oo hadda la liita saameynta Uu Ceelkaasi sumeysan ku yeeshay Deegaanka,
Wuxuu sheegay ineysan ilaa hadda Dadkii heer miyiga ahaa joojin isticmaalka ceelkaasi, taasi oysan ku baraarugsaneen dadka deegaankaasi, wuxuuna sheegay iney halkaasi u direen dhalinyaro ka hortagta in la isticmaalo biyaha ceelkaasi,
Wuxuu sheegay in dad badan oo uu soo ritay Xanuunkan hadda lagu dabiibayo Xarumaha Caafimad ee dagmada Carmo, halkaasi oo ilaa xalay la Gaarsiiyay
Isku-shuban Waxey Bosaso u Jirta 195 KM