Wasaarada Maaliyada Oo Bisha Oo Aan Dhamaan Sii Daysay Mushaharka Shaqaalaha Iyo Ciidamada Iyo Sababta Kaliftay

0
Friday August 25, 2017 - 13:49:07 in by salman abdi
  • Visits: 656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Maaliyada Oo Bisha Oo Aan Dhamaan Sii Daysay Mushaharka Shaqaalaha Iyo Ciidamada Iyo Sababta Kaliftay

    Xukuumada Somaliland ayaa qorshaysay in mushaharka ciidamada kala duwan ee bishan August loo horu mariyo ciidamada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland ayaa qorshaysay in mushaharka ciidamada kala duwan ee bishan August loo horu mariyo ciidamada.

Sidoo kale wasiirka maaliyada somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa amartay in shaqaalaha dawlada la siiyo mushaharkooda inta ka horaysa ciida barakaysan ee Ciidal Adxa.Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa amartay in la sii daayo mushaharka ciidamada iyada oo qaybtii ugu dambaysayna mushaharkoodii la siiyey maalintii arbacadii.

Ciidamada Milatariga iyo Bileyska Somaliland ayaa loo sii daayey mushaharkoodii 20-kii bishan August, halka ciidamada Asluubta, Ilaalada Xeebaha iyo Laanta Socdaalka loo sii daayey mushaharkii 23-kii bishan oo ku beegnayd shalay.

Sidoo kale maalinta Sabtida ayaa Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare oo ay hoostagaan macalimiinta dalku loo sii dayn doonaa, halka dhamaan shaqaale weynaha dalka la filayo in loo sii daayo mushaharkooda bishan inta ka horaysa Ciidal Adxaha.

 

Munaasibada Ciidal Adxaha ayaa dhamaan dunida Muslimka looga dabaal dagi doono 10-kan Dul-Xija 1438, oo la filayo inay ku beeganto 1-da September 2017-ka, waxaanay Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan go’aansatay in loo soo qadimo Mushaharka inta ka horaysa Ciida si dhamaan shaqaale weynaha Somaliland iyo qoysaskooduba ay ugu ciidaan, isla markaana maalintan weyn ay farxad la wadaagaan dhamaan shucuubka Islaamka ee ay u dabaal dagi doonta Ciidal Adxaha.

Wasiirka Maaliyada Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa Shacabka Somaliland iyo shaqaale weynaha dalka Illaahay uga bariday in Ciida uu ku gaadhsiiyo nabadqab iyo barwaaqo.