Booliska Belgium Oo Toogtay Nin Soomaali Ah Oo Toorey Ku Dhaawacay Labo Askari+ SAWIRRO

0
Saturday August 26, 2017 - 09:27:13 in by Burco Office
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Belgium Oo Toogtay Nin Soomaali Ah Oo Toorey Ku Dhaawacay Labo Askari+ SAWIRRO

    Booliska Belgium Oo Toogtay Nin Soomaali Ah Oo Toorey Ku Dhaawacay Labo Askari+ SAWIRRO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Belgium Oo Toogtay Nin Soomaali Ah Oo Toorey Ku Dhaawacay Labo Askari+ SAWIRRO

Booliska Belgium ayaa xalay badhtamaha magaalada Brussels ku toogtay nin toorey ku dhaawacay labo askari, kaasoo loo maleynayo inuu ahaa Soomaali.

Ninkan ayaa la sheegay inuu ku qeylinayay Allaahu Akbar, ka hor inta uusan beegsan askarta, waxaana markii dambe toogasho ku dilay Booliska.

Xeer Ilaaliyeyaasha Belgium ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in weerarkaas uu yahay mid argagixiso.

Ciidamada Booliska ayaa xiray goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana tan iyo xalay ka socday baaritaano.

Warbaahinta Belgium ayaa sheegaya in ninka weerarka geystay uu ahaa Soomaali, waxaa socda baaritaan lagu haayo sidii uu ku soo galay dalkaas iyo hadii uu ahaa nin degenaa.

Kooxda Daacish ayaa dhowaan ku baaqday in weeraro loo adeegsado gaadiidka lagu qaado magaalooyinka Yurub.