"Real Madrid Oo La Wareegtay Messi, Benzema Oo La Iibiyay" Akoonka Twitter-ka Real Madrid Oo La Jabsaday & Jamaahiirta Oo Laga Yaabiyay.

0
Saturday August 26, 2017 - 10:13:46 in by
  • Visits: 816
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Real Madrid Oo La Wareegtay Messi, Benzema Oo La Iibiyay" Akoonka Twitter-ka Real Madrid Oo La Jabsaday & Jamaahiirta Oo Laga Yaabiyay.

    Kooxda difaacaneysa koobka Champions League iyo horyaalka La Liga ayaa noqotay kooxdii ugu dambeysay ee dhibane u noqota burcadda jabsata baraha bulshada, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli maalmo ka hor la jabsaday akoonka Barcelona.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda difaacaneysa koobka Champions League iyo horyaalka La Liga ayaa noqotay kooxdii ugu dambeysay ee dhibane u noqota burcadda jabsata baraha bulshada, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli maalmo ka hor la jabsaday akoonka Barcelona.


Los Blancos akoonkeeda ayaa loo dhacay iyadoo laga yaabiyay jamaahiirta, waxaana lagu soo qoray in kooxda la saxiixatay Lionel Messi sidoo kalana la iibiyay Karim Benzema.

Maalmo ka hor Barcelona markii la jabsaday akoonkeeda waxaa lagu shaaciyay in Angel Di Maria ay lasoo wareegtay kooxda, balse muddo kadib raaligalin ayey ka bixiyeen sidoo kalana waxey xaqiijiyeen in akoonkooda loo dhacay.

Subaxnimadii saaka saacadda bartamaha yurub markey aheyd 7:00 subaxnimo ayaa laga yaabiyay qof walba oo Madridista ah kadib markii lagu soo qoray barta twitter-ka "Kusoo dhawaaw Lionel Messi” qoraalkaas waxaa raacsanaa muuqaal goolkii uu yimid waqtigii dhimashada ee kulanka El-Clasico kulankii ay Barcelona 3-2 ku dishay Madrid xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

"OurMine – koox burcad ah oo jabsata xogaha kooxaha – ayaa sheegtay masuuliyadda taxanaha la jabiyo ee baraha twitter-ka iyo Facebook kuwaas oo ku socota akoonada kooxaha La Liga”

Sidoo kale kooxda waxey barta kusoo qoreen iney iyaga masuul ka yahiin isla markaana awoododa aysan kaliya saameyn ku yeelaneynin Barcelona.

Ugu dambeyntiina burcadda waxey barta twitter-ka kusoo qoreen in Karim Benzema la iibiyay iyagoo jamaahiirta weydiiyay xidiga ay tahay iney kooxda lasoo saxiixato.