Waraysi Xiisi Kulul Oo Lala Yeeshay Madaxweynaha Maamulka Puntland Kana Hadlay Qaadashada Kaadhka Codbixinta Ee Gobolada Bariga,

0
Saturday August 26, 2017 - 11:53:44 in by Burco Office
  • Visits: 548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waraysi Xiisi Kulul Oo Lala Yeeshay Madaxweynaha Maamulka Puntland Kana Hadlay Qaadashada Kaadhka Codbixinta Ee Gobolada Bariga,

    Waraysi Xiisi Kulul Oo Lala Yeeshay Madaxweynaha Maamulka Puntland Kana Hadlay Qaadashada Kaadhka Codbixinta Ee Gobolada Bariga,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waraysi Xiisi Kulul Oo Lala Yeeshay Madaxweynaha Maamulka Puntland Kana Hadlay Qaadashada Kaadhka Codbixinta Ee Gobolada Bariga, Weriye: Madaxweyne ka warran xaaladdaguud ee Puntland?
Gaas: Adeer xaaladdaPuntland aad iyo aad bay u wanaagsan tahay, qof kastaa nabad buu ku soo toosaa nabadna wuu ku seexdaa horumar baaxad lehna wuu ka socdaa?

Weriye: Madaxweyne miyaanay jirin in dhulkii Puntland ay qaar doorashadii Somaliland ka socoto? arrintaa maxaad kaga jawaabaysaa?
Gaas: Adeer waxaasi wax weyn maaha waa maalmo kooban kuwaasi meeshay ka yimaaddeen ayay ku noqonayaan, annana hadda shiddo iyo colaad toonna uma baahnin. Puntland waa hooyadii Federaalka id walbana xil baa naga saaran, kuwaa doorashada wata laftooda masuuliyad baa naga saaran.

 

Weriye: Madaxweyne mashruuca horumarinta degaanka ee JPLG waxaa la sheegaa inuu ku kooban yahay degmooyinka gobolllada Bari, Nugaal iyo Mudug, bal arrintaa iyada ka warran?
Gaas:fiiri, arrintaas waxba kama jiraan adeer. Fiiri, Buuhoodle xitaa jid baan ka dhisnay magaalada dhexdeeda?
Weriye: Madaxweyne jidkaasi waxaa lagu dhisay lacagtii SDF (Sanduuqa Horumarinta Soomaaliyeed). Teeda kale durba wuu burburay jidkaasi waa mid dhaqaalihiisii lagu ciyaaray oo la fadhataystay
Gaas: Fiiri adeer, reer Buuhoodle soo dhoweyntooda ayaa badan iyo dabbaaldegyadooda sababtaasaa keentay burburka!

Weriye: Madaxweyne waxaan ku weydiiyey ka warran arrintan sicirbararka oo lagugu eedaynayo inay sababtay makiinnadda lacagta samaysa ee aad adigu waddanka keentay sida la sheegay?
Gaas: Fiiri adeer anigu dhaqaale yahan ayaan ahay, waxaan ballan qaaday inaan dhaqaalaha waddanka kor u qaado. Lacagtanina wax shiddo ah keeni mayso dhaqaalahay kordhinaysaa!

Weriye: Madaxweyne dadkii masaakiinta ahaa ayay sarrifkii ku kicisay wixii ay haysteenna imminka waxba u goyn maayaan. Miyaanay u ekayn inay lacagtan ka faa'iidayaan inta lacagta samaysa iyo inta ka og dhow keliya, dadkii kalena ay ku ag bakhtiyayaan.
Gaas: Adeer sidaa ma ahaa ma maqashay odhaahda tidhaahda "trickle down economy" fiiri adeer, marka dadka qaar ka mid ah lacag badan helaan, lacagtaasi dadka iyo dalkay dib ugu noqonaysaa cid walbana way gaadhaysaa.

Weriye: Madaxweyne inta aannu ka ognahay wax dadka dib ugu soo noqdo ma aragno wax ka sii baxaya mooyee.
Gaas:Adeer fiiri, lacagta adduunkoo dhan baa daabaca, ma maqashay fikirka loogu yeero "quantitative easing" yaah, marka sidan Puntland iyo Soomaaliya ka jirtaa dhacdo ee dhaqaaluhu yaraado waddamadu lacag badan buu daabacaa oo suuqa la geliyaa, dadkana waxaa loo fududeeyaa siday lacagtaa access ugu helaan, si ay u awoodaan inay wax iibsadaan dabadeedna sidaa dhaqaluhu isu kabo.

Weriye: Madaxweyne arrimahaasi armaanay dhulkan ka suurto gal ahayn, maxaa yeelay dhulkeennu maaha dhul bangiyada iyo shirkaduhu dadka wax daymiyaan oo sidaa lagu kala macaasho. Dadka danyarta ahi mar walba iyaga lacagtan la daabacayo khasaaraa ugu jira miyaanay u ekayn waxa loogu yeedho "winner takes all"
Gaas;Fiiri adeer adduunka meel walba dabaqadugu waa jiraan, fiiri waxa jira dhaqaalaha wax la yidhaahdo "multiplier effect" fiiri dadka lacagahan la daabacayo ka faa'iida marka dhaqaalahoodu kor u kaco iyagaa dadka shaqo u abuuraya, dadka masaakiinta ahina halkaasay shaqooyin ka helayaan, markay shaqooyin helaanna waxay awood u yeelanayaan inay dukaammada wax ka iibsadaan, dukaanleyda iyo suuqleuduna sidaasay ku macaashayaan.

Weriye:Madaxweyne markaynu runta isu sheegno dadka ka faa'iidaya lacagahan la daabacayo waa adiga iyo inta kugu xeeran oo badidood qurbaha ka yimid. Dhammaantiin waxaad lacagtaa ku beddelataan Doollarkii suuqyada yaalley debeddaadna u dirsataan. Waxa dhacaysa markaa in maciishaddii kacdo. Miyaanay taasi la odhan karin "reversal of multiplier effect" Tusaale ahaan adigu lacagta aad heshid miyaad ganacsi iyo wershado laga shaqeeyo ku samaysaa Puntland gudaheeda si dadku shaqo uga helo?
Gaas:Fiiri adeer, anigu madaxweynaan ahay ganacsi hadda uma baahni! Adeer su'aal danbe waqti uma hayo, adigana waxaan u malaynayaa in lagu soo diray. Waxan aad i weydiinaysaa waxa laga yaabaa inaad xidhiidh la leedahay labo group oo meelahaa ka qaylqayliya. Adeer Puntland waa hooyadii Federaalka kuwaas waxba kama qaadi karaan, warkoodana ma dhegeysanno!

Weriye:Madaxeyne aniga cidna ima soo dirin ee dareenka dadka ayaan ka turjumayaa.

Gaas:Adeer su'aalahaaga qaybta hore waa waxa ay sheegaan qolada Khaatumo la baxday ee Cali Khaliif meelahaa la wareegaalaysto. Inta danbena waa ii cad yihiin waa waxa ay meelahaa ku qoraan Faysal Rooble iyo Maxamuud Geeldoon iyo groupkoodu.

Weriye: Madaxweyne waad mahadsan tahay. Nimankaa aad sheegaysidna anigu weligeyba maan maqal aqoonna hadalkeedaba daa.

Weriyihii su'aalahan qaaday hadda xabsiga ayuu ku jiraa. Toloow goormay magac Allah ceeb noqotay.

Maxamuud Ibrahim (Xaaji)