Somaliland : Qabiilkii loo Qarameeyey Qalinka W/Q Axmed baashe cali shire
Somaliland waxaa nus qarnigii ugu dambeeyey ka taabba qaadayay huromarka iyo nidaamka kala dambeynta dowladnimo oo ay sabab u yihiin wax isusheega iyo isutanaasulka ka jira Somaliland.
Wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee Somaliland ka jira oo qabta shaqooyin kala duwan. ayaa badi laga hirgeliyay nidaamka kala dambeynta iyo maamulka waxaana meesha ka sii baxaya qabiilkii oo isu sii badalaya in qalin lagu qarameeyo qof kasta oo shaqodoon somaliland ah.
Xarunta haayada shaqaalaha dawladdu waa wasaaradda hormuudka iyo kudayashada mudan intii uu hogaaminayay mudane sharmaake axmed muxumed geele.
Gudoomiye sharmaake geele waxa uu suurto geliyay rajo riyaaqii ay ku taamayeen boqolaal qof oo shaqodoon reer Somaliland ah sanado badan.
Gudoomiye sharmaake geele intuu hayay xilka hay’ada shaqaalaha dowlada waxa uu gaadhay qarankani horumarka dhinaca tiknoolojiyadda iyo xidhiidho caalamiya oo dhanka xirafadaha shaqo ah.
Waxa kale oo uu meesha ka saaray gabi ahaanba habkii hore ee loo qaramayn jiray shaqaalaha dowlada ee ahaa qabiil ama qolo lagu shaqaalaysiiyo qofka shaqodoonka ah oo uu u beddelay habka dunida casriga ee ah in qof kastoo shaqodoon dowladeed ah lagu qarameeyo waxa uu bartay iyo qalinkiisa.
Taasina waxay rajo iyo mustaqbal u iftiimisay , farxadna galisay kumanaanka dhalinyaro ee shaqoodoonka ahaa, waxaana lagu xasuutaa oo taariikhda geli doonta in gudoomiye sharmaake maalintii ay taariikhdu ahayd {14/July/2017} shirjaraaid oo uu ku qabtay xafiiskiisa uu kaga dhawaaqay inuu soo ururiyay 30 shaqo oo ka banaan madaxtooyada iyo wasaaradaha kala duwan ee dalka, 30ka shaqo ee bannaana loogu tartamidoono imitixaan, kaas oo loo gelayo habka qof iyo qalinkii laguna qaban doono imtixaanka magaalada laas-canood ee xarunta gabolka sool.
Gud. sharamaake geelle ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee si haybad iyo sharaf leh ugu hiilaya caddaalada iyo qarannimada.
Waa waajib inaan qiro wuxuu yahay Gud. sharmaake axmed muxumed geele waa geesi qaran oo dhiirigeliya dhallinyarada, bulshadiisuna jecelyihiin qofkastoo muwaadina ixitiraam, qaddarin iyo sharaf u hayo, waa jawharadii dhallinyarada Somaliland intabadan sugayeen, waa hogaamiye dhalinyaro ah oo leh hiigsi hamilooyin leh waxaana wanaagiisa markhaati ka ah madaxwayne axmed maxamuud siilanyo iyo 30kaa raday.
Waa bilaahi Towfiiq
W/Q : Axmed Baashe Cali Shire
E-MAIL : Axmedsomali44@gmail.com
FB : www.facebook.com/Ahmed Shire
Somaliland : Qabiilkii loo Qarameeyey Qalinka W/Q Axmed baashe cali shire
Tan iyo intii ay Somaliland ay ku dhawaaqday gooni isu taaggeda sanadkii 1991 kii iyo dhistaankii maamulkii jamhuuriyada barakaysan ee Somaliland ee lagu soo doortay habkii koofiyada beelaha Somaliland.