Toban askari oo lagu dilay Kashmir

0
Sunday August 27, 2017 - 08:06:21 in by Burco Office
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toban askari oo lagu dilay Kashmir

    Toban askari oo lagu dilay Kashmir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Toban askari oo lagu dilay Kashmir

Mas'uuliyiinta gobolka Hindiya ay maamusho ee Kashmir ayaa sheegay in sideed askari la dilay ka dib markii kooxo maleeshiyaad ah ay soo weeraren xarun ay degenayeen ciidamo boolis ah oo ku sugnaa degmada Pulwama.

Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii kooxahaasi ay weerar qarax loo adeegsaday ay kusoo qaaden sabtida saldhiga ciidamada boolisa, si ay gudaha oogu galaan dhismahaasi.

Dhismaha uu weerar ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale degenaa qoysaska ciidamad booliska, waxaana dagaal socday inkabadan labo iyo toban saac lagu dilay labo kamid ah kooxihii weerarka soo qaaday.

Maleeshiyaad Jaish-e-Muhammad oo fadhigoodu yahay dalka Pakistan ayaana sheegatay mas'uuliyada weerarka.

Laamaha amaanka ee India ayaa kala eryay dad dhigayay dibadbax ay ku taageerayan kooxihii weerarka geystay, waxaana weriyaha BBC-da ee halkaasi uu soo sheegaya in weeraraka uu yahay midkii ugu ba'naa ee loo geysto ciidamada booliska tan iyo sannadkii aynu soo dhaafnay.