Philippe Coutinho Oo Diyaar U Ah Inuu Xilli Ciyaareedkan Sii Joogo Liverpool Laakiin Hal Sharuud Oo Culus Ayaa Ku Xiran

0
Sunday August 27, 2017 - 10:08:44 in by salman abdi
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Philippe Coutinho Oo Diyaar U Ah Inuu Xilli Ciyaareedkan Sii Joogo Liverpool Laakiin Hal Sharuud Oo Culus Ayaa Ku Xiran

    Kubadsameeyaha reer Brazil Philippe Coutinho ayaa diyaar u ah inuu hal xilli ciyaareed kale sii joogo Liverpool laakiin waa haddii ay kooxda Reds ka soo baxdo hal sharuud oo uu hordhigay. Xiddiga reer Brazil ayaa doonaya in Liverpool ay ogolaato inuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kubadsameeyaha reer Brazil Philippe Coutinho ayaa diyaar u ah inuu hal xilli ciyaareed kale sii joogo Liverpool laakiin waa haddii ay kooxda Reds ka soo baxdo hal sharuud oo uu hordhigay. Xiddiga reer Brazil ayaa doonaya in Liverpool ay ogolaato inuu ku biiri karo Barcelona xagaaga danbe, sida ay qortay Sunday Mirror

Kubadsameeyaha reer Brazil Philippe Coutinho ayaa diyaar u ah inuu hal xilli ciyaareed kale sii joogo Liverpool laakiin waa haddii ay kooxda Reds ka soo baxdo hal sharuud oo uu hordhigay. Xiddiga reer Brazil ayaa doonaya in Liverpool ay ogolaato inuu ku biiri karo Barcelona xagaaga danbe, sida ay qortay Sunday Mirror.

Coutinho ayaa iska ilaawi kara kala duwanaanshaha u dhaxeeya isaga iyo tababare Jurgen Klopp iyo madaxda Reds, waxaana uu diyaar u noqon doonaa inuu u heelanaado kooxda hadddii hubanti looga dhigo inuu u wareegi karo Camp Nou 12 bilood ka dib.


Waana ku celiska sheekadii suuqa kala iibsiga ee Luis Suarez iyadoo xiddiga reer Uruguay uu ugu danbeyn heshiis 70 milyan ginni ah uga tagay Liverpool uguna biiray Barca.

La taliyayaasha Coutinho ayaa qorsheynaya inay ku cadaadiyaan Liverpool inay ogolaato heshiis xaqiijinaya inuu u wareegi karo kooxda La Liga ka dhisan xagaaga danbe.

Ilaa iyo haatan 25 jirkaan khadka dhexe ayaa arkay milkiilayaasha kooxda Liverpool oo albaabka ka xirtay Barcelona ka dib markii ay soo diideen dhowr dalab oo laga soo gudbiyay oo ay ugu danbeysay dalab 114 milyan ginni ahaa.

Iyadoo suuqa kala iibsiga uu ka harsan yahay kaliya shan maalmood, milkiilayaasha Liverpool ayaa doonaya inay ku adkeystaan go’aankooda islamarkaana ay diidaan dalab kasta oo ka yimaada kooxda Catalan ka dhisan.

Xiddiga reer South America ayaan ciyaarin tan iyo markii uu xilli ciyaareedkan bilowday iyadoo sababta lagu sheegay dhaawac dhabarka ah, laakiin wakiiladiisa waxa ay sheegayaan in marka uu taam noqdo inuu diirada saari doono u ciyaarista Liverpool xilli ciyaareedkan.