TAARIIKH: Lionel Messi Oo Kor U Dhaafay 350 Gool Oo Horyaalka La Liga Ah & Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato

0
Sunday August 27, 2017 - 10:08:44 in by salman abdi
  • Visits: 862
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TAARIIKH: Lionel Messi Oo Kor U Dhaafay 350 Gool Oo Horyaalka La Liga Ah & Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato

    Mar kale, Lionel Messi ayaa ahaa mid diirada oo dhan ay isaga saaran tahay, waxaana xiddiga reer Argentina laga filayay inuu natiijada keeno kulankii shalayto ee Alaves ee horyaalka La Liga madaama Suarez uu dhaawac ku maqnaa islamarkaana Neymar uu k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mar kale, Lionel Messi ayaa ahaa mid diirada oo dhan ay isaga saaran tahay, waxaana xiddiga reer Argentina laga filayay inuu natiijada keeno kulankii shalayto ee Alaves ee horyaalka La Liga madaama Suarez uu dhaawac ku maqnaa islamarkaana Neymar uu ku biiray Paris Saint-Germain

Mar kale, Lionel Messi ayaa ahaa mid diirada oo dhan ay isaga saaran tahay, waxaana xiddiga reer Argentina laga filayay inuu natiijada keeno kulankii shalayto ee Alaves ee horyaalka La Liga madaama Suarez uu dhaawac ku maqnaa islamarkaana Neymar uu ku biiray Paris Saint-Germain.

Natiijadana wuu keenay isagoo dhaliyay goolkiisii 350aad ee La Liga oo uu Barcelona hogaanka ugu dhiibay qeybtii labaad ka dib markii laga badbaadiyay rigoore qeybtii hore. Waxa uu wadarta goolashiisa horyaalka ka dhigtay 351 gool isagoo shabaqa soo taabtay mar kale islamarkaana Barcelona ka caawiyay inay 2-0 ku badiso.

Tan iyo markii uu jabiyay rikoorka gooldhalinta horyaalka La Liga oo uu 251 gool kaga qaaday halyeeygii Athletic Bilbao Telmo Zarra bishii November 2014, xiddiga reer Argentina ayaa ahaa mid taariikh sii sameynayay gool walba uu ka dhaliyo horyaalka.


Goolkii ugu horeysay ee La Liga ee uu Messi dhaliyo waxa ay aheyd 1dii bishii May 2005 kulan ay 2-0 kaga badiyeen Albacete ciyaar ka dhacday Camp Nou. Markaas da’diisu waxa ay aheyd 17 sannadood, 10 bilood iyo sideed maalmood.

351 gool ee uu Messi ka dhaliyay horyaalka, 200 oo ka mid ah wuxuu ku dhaliyay garoonka kooxdiisa ee Camp Nou halka 151 gool uu ku soo dhaliyay garoomadii ay martida ku ahaayeen. Kooxaha uu dhaawaca ugu badan u geystay waxaa ugu horeysay Sevilla oo uu ka dhaliyay 23 gool oo horyaalka ah, waxaa ku xigta Atlético Madrid (22) iyo kooxaha Osasuna iyo Valencia oo uu mid walba ka dhaliyay 21 gool.

Kooxaha kale ee uu ka dhaliyay in ka badan 10 gool waxa ay kala yihiin: Deportivo (17), Real Madrid iyo Rayo Vallecano (16), Levante & Espanyol (15), Athletic (13), Getafe, Betis, Racing de Santander iyo Real Sociedad (12) iyo Villarreal, Almería, Mallorca, Málaga iyo Granada (11).

Dhanka kale, 351 gool ee uu dhaliyay 46 ka mid ah waa gool ku laad, 19 waa laadad xor ah. Inta kale ee soo hartay waxa uu ku dhaliyay ciyaar furan.

Xilli ciyaareedkii uu ugu gooldhalinta fiicnaa horyaalka waa 2011-12 markaasoo uu dhaliyay 50 gool oo uu ku jabiyay rikooro badan. Xilli ciyaareedkii ku xigay waxa uu dhaliyay 46. Afar jeer waxa uu ku guuleystay abaalmarinta gooldhalinta ee Pichichi: 2009-10, 2011-12, 2012-13 iyo 2016-17.

Valencia, Espanyol iyo Osasuna ayaa dhamaantood hal kulan gudaheed waxa uu ka dhaliyay afar gool, labada ugu horeysa waxa uu ka dhaliyay xilli ciyaareedkii 2011-12, halka Osasuna uu ka dhaliyay xilli ciyaareedkii 2012-13.

Dhanka seddexleyda, waxa uu labo seddexley kulamada horyaalka ka dhaliyay kooxaha kala ah: Real Madrid, Valencia, Atlético Madrid, Rayo Vallecano, Osasuna, Málaga, Granada iyo Deportivo.

Tenerife, Zaragoza, Almería, Levante, Espanyol iyo Sevilla ayaa iyagana min hal jeer seddexleey ka dhaliyay kulamada horyaalka.