Khabiirada Sky Sports Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Ah Ee Liverpool & Arsenal Ka Hor Kulankooda Maanta Ee Anfield

0
Sunday August 27, 2017 - 10:08:44 in by salman abdi
  • Visits: 905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khabiirada Sky Sports Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Ah Ee Liverpool & Arsenal Ka Hor Kulankooda Maanta Ee Anfield

    Khabiirada Sky Sports Charlie Nicholas iyo Phil Thompson oo u soo kala ciyaaray kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa soo xushay shaxda isku darka ah ee labada kooxood ka hor kulankooda weyn ee maanta ku dhexmaraya garoonka Anfield.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khabiirada Sky Sports Charlie Nicholas iyo Phil Thompson oo u soo kala ciyaaray kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa soo xushay shaxda isku darka ah ee labada kooxood ka hor kulankooda weyn ee maanta ku dhexmaraya garoonka Anfield.  

Halyeeyada labada kooxood ayaa sidii laga filayay waxaa uu mid walba u janjeersaday dhanka kooxdiisa hore, iyadoo goolhaye Petr Cech iyo daafaca Laurent Koscielny ay yihiin labada ciyaartoy ee xagaa danbe ee ka soo muuqday shaxda.

Sadio Mane, Philippe Coutinho iyo Alexis Sanchez ayaa iyagana ka soo muuqday shaxda labada nin ay sameeyeen, laakiin waxa ay isku qilaafeen inta kale ee soo hartay.


Daaficii hore ee Liverpool Phil Thompson ayaa kooxdiisa hore ka soo xushay todobo ciyaaryahan halka afarta kale uu ka soo qaatay Arsenal. Dhanka goolka waxa uu soo qaatay goolhayaha Arsenal Petr Cech, afarta daafaca danbe kaliya Koscielny ayaa Arsenal ka ah halka da’ yarka Alexander-Arnold, Lovren iyo Milner uu ka soo qaatay Reds.

Seddexda khadka dhexe labo ka mid ah waa Liverpool: Jordan Henderson iyo Philippe Coutinho, halka Arsenal uu ka soo qaatay Aaron Ramsey.

Dhanka weerarka si la mid ah seddexda afka hore waxa uu labo ka mid ah ka dhigay xiddigaha Liverpool ee Mane iyo Firmino halka Sanchez oo Arsenal ah uu ka garab ciyaarayo.

Xiddigii hore ee Arsenal Charlie Nicholas ayaa isna kooxdiisa hore ka soo xushay todobo ciyaaryahan, dhanka goolka waxa uu isna soo qaatay goolhayaha Arsenal Petr Cech, afarta daafaca danbe waxa uu min labo ugu qeybiyay labada kooxood. Kolasinac iyo Koscielny oo uu ka soo qaatay Arsenal iyo Clyne iyo Sakho oo uu ka soo qaatay Liverpool.

Labada khadka dhexe waxa uu soo qaatay labada xiddig ee Arsenal Santi Cazorla iyo Mesut Ozil, halka seddexda kubadsameeye ee ka horeysa ay labo ka mid ah yihiin xiddigaha Liverpool ee Mane iyo Coutinho oo uu wehliyo xiddiga Arsenal Sanchez. Waxaana weerarka hogaaminaya weeraryahanka cusub ee Gunners Lacazette.