Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Axad Ah

0
Sunday August 27, 2017 - 10:51:42 in by salman abdi
  • Visits: 1105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Axad Ah

    Maalin wanaagsan akhristayaasha sarafta lehow meel kasta oo aad aduunka ka joogtaan, kuna soo dhawaada barnaaamijkeenii maalinlaha ah ee aanu sida joogtada ah idiinku soo gudbino waxyaabaha ay wargaysyadu ka qoraan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin wanaagsan akhristayaasha sarafta lehow meel kasta oo aad aduunka ka joogtaan, kuna soo dhawaada barnaaamijkeenii maalinlaha ah ee aanu sida joogtada ah idiinku soo gudbino waxyaabaha ay wargaysyadu ka qoraan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.  

Maalin wanaagsan akhristayaasha sarafta lehow meel kasta oo aad aduunka ka joogtaan, kuna soo dhawaada barnaaamijkeenii maalinlaha ah ee aanu sida joogtada ah idiinku soo gudbino waxyaabaha ay wargaysyadu ka qoraan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay July 1, waxayna kooxuhu si wayn ugu hawlan yihiin in ay la soo saxiixdaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay horumarin ku samayn karaan safafka kooxahooda ka hor inta aanu bolaamin xili ciyaareedka cusubi waxaana haddaba jira xidigo badan oo kooxaha Premier Leaque-gu dagaal ugu jiraan in ay la soo waregaan.



Everton ayaa si lama filaan ah waxa ay ku dooneysaa inay Chelsea ka afduubato heshiiska 40ka milyan ginni ee ay ku doonayaan weeraryahanka Liecester City Jamie Vardy.

Arsenal ayaa ka iibin doonta Alex Oxlade-Chamberlain kooxda Chelsea isbuucaan iyagoo u diiday Liverpool madaama ay u arkaan koox si toos ah ay kula tartamayaan afarta kaalimood ee ugu sareysa horyaalka.

Waxaa sarre u sii kacaya rajada ay Manchester City ka qabto la soo wareegida xiddiga Arsenal Alexis Sanchez iyadoo suuqa kala iibsiga xagaaga uu ka harsan yahay kaliya shan maalmood.

Kooxda Talyaaniga ee Inter Milan ayaa dooneysa in weeraryahankooda Stevan Jovetic uu ku biiro Newcastle halkii uu ku biiri lahaa Sevilla.

Chelsea iyo Liverpool ayaa maxkamad isla tagaya si loo go’aamiyo qiimaha xiddiga ay Liverpool la wareegtay ee Dominic Solanke.

Tababaraha Chesea Antonio Conte ayaan ogolaan doonin inuu Kenedy amaah ugu wareego Newcastle ilaa iyo uu la soo wareego weeraryahan kale.

Xiddiga Borussia Dortmund Neven Subotic ayaa isha ku haya inuu u wareego Premier League iyadoo kooxaha Liverpool, Chelsea, Leicester City, West Brom iyo Stoke ay xiiseynayaan.

sunday people

Philippe Coutinho ayaa doonaya inay Liverpool ogolaato inuu u wareegi karo Barcelona xagaaga danbe haddii uu Anfield sii joogo xilli ciyaareedkan.

Daafaca Manchester United Chris Smalling ayaa diirada u saaran kooxda Leicester City.

sunday telegraph

Macalinka West Brom Tony Pulis ayaa si weyn ugu dadaalaya inuu la soo wareego daafaca dhexe ee Liverpool Mamadou Sakho haddii Jonny Evans uu u wareego Manchester city.

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa sheegay in da’ yarta kooxda aysan diyaar u aheyn inay ka ciyaarayaan Premier League.

mail on sunday

In laga hadlo suurtogalnimada uu Philippe Coutinho ku bixi karo ayaa laga mamnuucay ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxda Liverpool.

West Brom ayaa dalab 10 milyan ginni ka gudbisay daafaca Fenerbahce Josef de Souza.

Renato Sanchez ayaa laga saaray kooxdii Bayern Munich ee wajahday Werder Bremen iyadoo Liverpool iyo Chelsea ay xiiseynayaan.

DAILY STAR

Weeraryahanka reer Chile ee kooxda Arsenal Alexis Sanchez ayaa lagu waramayaa inuu doonayo inay Arsenal ka dhigto xiddiga ugu mushaharka badan Premier League haddii uu saxiixayo qandaraas cusub.

THE SUN

Tababaraha Gunners ayaan ka rajo dhigin saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Monaco Thomas Lemar, daafaca Southampton Virgil van Dijk, inkastoo ay noqon karto xagaaga danbe waqtiga uu la soo wareegi karo.

SUNDAY TELEGRAPH

Paris St-Germain ayaa weli wadahadal ugu jira inay 166 milyan ginni kula soo wareegaan da’ yarka Monaco Kylian Mbappe ka hor inta uusan suuqa kala iibsiga xirmin Khamiista, laakiin kooxdiisa ayaa dooneysa inay 18 jirkaan ka iibiso Real Madrid.