WARBIXIN: Seddex Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Liverpool Iyo Arsenal Kulanka Maanta Ee Anfield

0
Sunday August 27, 2017 - 10:51:42 in by
  • Visits: 972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Seddex Meelood Oo Ay Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Liverpool Iyo Arsenal Kulanka Maanta Ee Anfield

    Liverpool waxa ay dooneysaa inay markii seddexaad oo isku xigta horyaalka Premier League ay garaacdo Arsenal kulanka maanta ka dib markii ay lixda dhibcood ka soo qaateen xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, halka Arsenal ay dooneyso inay guul ku ilowd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool waxa ay dooneysaa inay markii seddexaad oo isku xigta horyaalka Premier League ay garaacdo Arsenal kulanka maanta ka dib markii ay lixda dhibcood ka soo qaateen xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, halka Arsenal ay dooneyso inay guul ku ilowdo wixii ku soo qabsaday garoonka Stoke City isbuucii la soo dhaafay.  

Liverpool waxa ay dooneysaa inay markii seddexaad oo isku xigta horyaalka Premier League ay garaacdo Arsenal kulanka maanta ka dib markii ay lixda dhibcood ka soo qaateen xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, halka Arsenal ay dooneyso inay guul ku ilowdo wixii ku soo qabsaday garoonka Stoke City isbuucii la soo dhaafay.

Hadaba waxaan eegeynaa seddex meelood oo ay ku kala badin karaa kooxaha Liverpool iyo Arsenal maanta.

3. Jordan Henderson vs Aaron Ramsey

n

Sida inta badan kulamada Premier League, mashiinka khadka dhexe ee labada kooxood ayaa ah halka lagu kala badin karo ciyaarta.

Kabtanka Liverpool Henderson ayaa ah mid si weyn u muuqda tan iyo markii uu taam ahaanshihiisa dib u helay bilowgii xilli ciyaareedka, waxaana ka ciyaarayaa booska burburiyaha khadka dhexe taasoo u ogolaaneysaa Emre Can iyo Geoginio Wijnaldum xoriyad ay ku dhaqaaqaan.

Inkastoo la filan karo inay iska horyimaadaan Mesut Ozil, hadana waa kubad soo jiidida Aaron Ramsey waxa ay tahay inuu Henderson xal u helo.

Xiddiga reer Wales waxa uu dhawaan ka ciyaarayay agagaarka xerada goolka, waxaana xoriyadiisa dhaqdhaqaaqa ay faa’ido u tahay inuu fursado u abuuro asxaabtiisa.

2. Sadio Mane vs Alex Oxlade-Chamberlain

n

Xiddiga reer Senegal Sadio Mane waxa uu xilli ciyaareedka ku bilowday qaab fantastik ah, isagoo dhaliyay labo gool islamarkaana caawiye ka noqday gool kale afar kulan uu saftay. Shaki la’aan Arsenal waa ay ka walwali dontaa weeraryahanka kaasoo shabaqa soo taabtay labadii kulan ee xilli ciyaareedkii hore ee ay Liverpool ku badisay 4-3 iyo 3-1.

Ka horimaadkiisa garabka midig ee Arsenal ayaa noqon doonta mid xiiso leh iyadoo Alex Oxlade-Chamberlain iyo Hector Bellerin ay leeyihiin orod ay ku barbareyn karaan Mane. Si kastaba, waxa ay u badan tahay in Oxlade-Chamberlain uu ka horimaan doono taasoo ka dhigi doonta iska horimaadkooda mid xiiso leh.

1. Trent Alexander-Arnold vs Alexis Sanchez

n

18 jirka ka soo baxay akadeemiga Alexandre-Arnold ayaa ahaa mid wacdarro dhigayay ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, waxaana uu buuxinayaa booska uu ka dhaawacan yahay Nathaniel Clyne. Waxa uu ku fiican yahay tuurista koornooyinka, difaac ahaana waa mid adag isagoo si dhab ah u la qabsaday kooxda koowaad.

Si kastaba, maanta oo Axad ah waxa uu marayaa tijaabadii ugu adkeyd ee la mariyo daafac midig oo horyaalka ka ciyaara isagoo ka horimaanaya xididga soo nastay Alexis Sanchez. Xiddiga reer Chile oo ay u badan tahay inuu mustaqbalka dhow ka tagi doono Gunners ayaa diyaar u ah in lagu soo darro shaxda kulanka maanta.