Cunsuriyiinta Oo Lagaga Guuleystay Banaanbaxyo Iska Soo-horjeeda Oo Ka Dhacay Dalka Maraykanka

0
Monday August 28, 2017 - 09:02:09 in by Burco Office
  • Visits: 609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cunsuriyiinta Oo Lagaga Guuleystay Banaanbaxyo Iska Soo-horjeeda Oo Ka Dhacay Dalka Maraykanka

    Cunsuriyiinta Oo Lagaga Guuleystay Banaanbaxyo Iska Soo-horjeeda Oo Ka Dhacay Dalka Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cunsuriyiinta Oo Lagaga Guuleystay Banaanbaxyo Iska Soo-horjeeda Oo Ka Dhacay Dalka Maraykanka

Sabtidii shalay ayaa ahayd xiligii ay sheegeen inay banaanbax weyn dhigi doonaan qaar kamid ah cunsuriyiinta cadaanka ah ee dalka Maraykanka, kuwaasi oo doonayey inay socod ku maraan magaalada San Francisco ee gobalka California.


Kooxda la baxday [Patriot Prayer group] oo kamid ah kuwa lagu tilmaamo cunsuriyiinta cadaanka ayaa sheegay inay socod nabad ah ku mari doonaan magaalada San Francisco oo magaalooyinka ugu waaweyn oo laga neceb yahay cunsuriyiinta Maraykanka.

Arrintan ayaa keentay inay iyaguna is abaabulaan kumaan kun oo shacab ah oo doonayey inay ka hortagaan cunsuriyiinta, waxaana laga cabsi qabay in ay halkaasi ka dhacaan rabshado iyo gacan-ka-hadal.

Kooxda PPG ayaa markii danbe sheegtay inay joojisay banaanbaxoodii iyagoo ka cabsi qaba dadka kale ee kasoo horjeeda. Inkastoo Cunsuriyiinta baajiyeen banaanbaxooda ayey hadana magaaladaasi isugu soo baxeen kumanaan shacab ah oo kasoo horjeeda cunsuriyiinta cadaanka ah, si ay u muujiyaan in magaaladaasi dadka degen u dulqaadan doonin kooxaha xagjirka cadaanka ah.

Booliiska ayaa xirey qeybo kamid ah magaalada si ay uga hortagaan rabshado halkaasi ka dhaca.

Hogaamiyaha kooxdaasi cunsuriyiinta ah ee Joey Gibson iyo tiro yar oo taageerayaashiisa ah ayaa isku dayey inay hadal kasoo jeediyaan fagaaraga Alamo Square Park, kahor inteysan halkaasi ka cararin markii ay goobtaasi soo gaareen shacab careysan.