"Dhamaantood Waxaan Dhigi Lahaa Suuqa Kala Iibsiga" – Gary Neville Oo Si Kulul U Weeraray Xiddigaha Arsenal Ka Dib Xasuuqii Ka Soo Gaaray Liverpool

0
Monday August 28, 2017 - 09:08:39 in by salman abdi
  • Visits: 890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dhamaantood Waxaan Dhigi Lahaa Suuqa Kala Iibsiga" – Gary Neville Oo Si Kulul U Weeraray Xiddigaha Arsenal Ka Dib Xasuuqii Ka Soo Gaaray Liverpool

    Gary Neville ayaa ahaa mid si weyn u la xafiiltami jiray kooxda Arsenal waqtigii uu garoomada ku jiray, waxaana uu si kulul ugu weeraray kooxda qaab ciyaareedkii aadka u liitay ee ay kala hortageen kooxda Liverpool shalayto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gary Neville ayaa ahaa mid si weyn u la xafiiltami jiray kooxda Arsenal waqtigii uu garoomada ku jiray, waxaana uu si kulul ugu weeraray kooxda qaab ciyaareedkii aadka u liitay ee ay kala hortageen kooxda Liverpool shalayto.  

Gary Neville ayaa ahaa mid si weyn u la xafiiltami jiray kooxda Arsenal waqtigii uu garoomada ku jiray, waxaana uu si kulul ugu weeraray kooxda qaab ciyaareedkii aadka u liitay ee ay kala hortageen kooxda Liverpool shalayto.

Khabiirka Sky Sports Neville ayaa qeyb ka tabinayay ciyaarta, waxaana inta uu ku jiray tabinta uu iska celin waayay inuu ka hadlo sida Arsenal loogu kala dhantaalay Anfield.

Aaron Ramsey iyo Mesut Ozil ayaa ka mid ahaa xiddigaha uu sida gaar ah u bartilmaameedsaday iyadoo Arsenal ay ku hungowday inay qaab ciyaareed fiican kala hortagto kooxda Liverpool.

Ka dib waxa ay dhaleeceyntiisa u gudubtay ciyaaryahan walba oo xiran maaliyada Arsenal.


Inta uu ciyaarta tabinayay Neville ayaa yiri: "Dhamaantood waxaan dhigi lahaa suuqa kala iibsiga. Qaab ciyaareedkan waa kii ugu niyadjabka badnaa ee aad Arsenal ka arki laheyd.

"Waxaa jira seddex ama afar ciyaaryahan oo Arsenal ah oo doonaya inay baxaan. Waxaan rajeynayaa in kooxaha doonaya ciyaartoydaan inay daawanayaan kulanka maanta.

"Xhaka waxa uu isku dayay inuu kubad cirib ah uu u celiyo goolhayihiisa isagoo ku jira xerada goolka. Iskuday inaad heli karto ereyo aad ku qeexi karto haddii aad awoodo.”

Waxaa uu si kajan ah u yiri: "Waxa ay bedeleen Ramsey, taasi waa ceeb sababtoo ah waxa uu noqon lahaa ciyaaryahanka aan u doorto xiddiga garoonka.”

Ciyaarta ka dib waxa uu hadana la hadlay Sky Sports isagoo yiri: "Sababta aan u weeraray Arsenal 15kii daqiiqo ama 20kii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta waxa ay aheyd in [Mesut] Ozil, [Alexis] Sanchez, [Alex] Oxlade-Chamberlain, Xhaka, Ramsey inaysan qabanin howsha ugu sahlan ee uu garanayo taageere walba, tababare walba iyo ciyaartoy walba. Marka kubada ay ku dhaafto oo ay ku socoto goolkaaga islamarkaana ay asxaabtaada dhibtoonayaan, waa inaad dib u cararto sida ugu dhakhsiyaha badan.

"Waxaan magacaabay kaliya shantaas, malaha waa ay ka badan yihiin laakiin gabi ahaanba waa sharafdhac sida ay u ciyaareen. Qaabka ay u ciyaareen ma ahan mid ay ku matali karaan maaliyada Arsenal.

"Marka laga hadlayo taatikada kubadeed iyo qaladaadka la sameeyay waxaad u baahan tahay shan barnaamij oo lagu falanqeeyo wixii qaldamay. Laakiin inay ku hungoobeen howsha ugu sahlan ee ah inaad si adag u shaqeyso oo aad kubada ka difaacdo goolkaaga waa wax aan la aqbali karin.”