Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Real Madrid Barbaraha Ku Qabatay Valencia – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka, Kumaase Ugu Liitay?

0
Monday August 28, 2017 - 09:08:39 in by salman abdi
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Real Madrid Barbaraha Ku Qabatay Valencia – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka, Kumaase Ugu Liitay?

    Gary Neville ayaa ahaa mid si weyn u la xafiiltami jiray kooxda Arsenal waqtigii uu garoomada ku jiray, waxaana uu si kulul ugu weeraray kooxda qaab ciyaareedkii aadka u liitay ee ay kala hortageen kooxda Liverpool shalayto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gary Neville ayaa ahaa mid si weyn u la xafiiltami jiray kooxda Arsenal waqtigii uu garoomada ku jiray, waxaana uu si kulul ugu weeraray kooxda qaab ciyaareedkii aadka u liitay ee ay kala hortageen kooxda Liverpool shalayto.  

Marco Asensio ayaa badbaadiyay Real Madrid isagoo dhaliyay labo gool islamarkaana dhibic u soo hooyay kooxdiisa kulankii ay la ciyaarayeen kooxda Valencia oo si weyn isku soo xoojisay xilli ciyaareedkan.

Asensio isaga ayaa hogaanka u dhiibay Los Blancos oo ciyaartaan ka hor la gudoonsiiyay koobka horyaalka ee ay hanteen xilli ciyaareedkii hore, laakiin labo gool oo ay kala dhaliyeen Carlos Soler iyo Geoffrey Kondogbia ayay Valencia si lama filaan ah kula wareegtay hogaanka ciyaarta, balse Asensio ayaa barbareeyay daqiiqadii 83aad markii uu laad xor ah shabaqa dhex dhigay.


Xiddiga Garoonka – Marco Asensio (Real Madrid)

Iyadoo Cristiano Ronaldo uu ganaax ku maqan yahay islamarkaana Gareth Bale iyo Karim Benzema ay ka jiifto, Asensio ayuu ahaa xiddigii badbaadiyay Real Madrid. 21 jirkaan ayaa si dhaqso ah ku noqonaya xiddiga ugu muhiimsan Santiago Bernabeu isagoo gool aad u fiican hogaanka ugu dhiibay kooxda caasimada ka dhisan ka hor inta uusan dhamaadkii ciyaarta dhalinin goolkii barbaraha. Real Madrid ayaana uga mahadcelineysa Asensio inuu ka badbaadiyo guuldarro xalayto.

Xiddiga Ugu Liitay – Karim Benzema (Real Madrid)

Iyadoo ay Real Madrid iska iibisay xagaagan Alvaro Morata waxaa la filayay in Benzema uu noqon doono gooldhaliyaha ay ku tashan doonaan laakiin qaab ciyaareedkii uu soo bandhigay kulankii xalayto waxa ay aheyd mid ay Madrid ka qoomameysay iibkii Morata isagoo qasaariyay labo fursadood oo dahabi ahaa.

Qiimeynta Ciyaartoyda

Real Madrid – Navas 7, Carvajal 7, Casemiro 4, Nacho 5, Marcelo 7, Kroos 6, Modric 5, Isco 5, Asensio 8, Bale 5, Benzema 4.

Bedel – Kovacic 6, Vazquez 5, Mayoral 5.

Valencia – Neto 8, Montoya 6, Vezo 7, Murillo 6, Lato 6, Soler 7, Parejo 6, Kondogbia 8, Gaya 7, Zaza 6, Rodrigo 7.