Abwaan: Muxiyaddin Cabdiraxman-Dalmar Oo Hees Ammaan Ah U Sameeyay Xaaskiisa Marwo Mumtaz Ismail Hussein.

0
Monday August 28, 2017 - 09:08:39 in by salman abdi
  • Visits: 1225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan: Muxiyaddin Cabdiraxman-Dalmar Oo Hees Ammaan Ah U Sameeyay Xaaskiisa Marwo Mumtaz Ismail Hussein.

    Shin dhalad baa tahay ayaanle Shalay maansooyinkayga Ayaanbaa ugu shidnayde

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shin dhalad baa tahay ayaanle Shalay maansooyinkayga Ayaanbaa ugu shidnayde  Shin dhalad baa tahay ayaanle Shalay maansooyinkayga Ayaanbaa ugu shidnayde


Shaac iyo sagal bari ka muuqda

Shamsada waaberi iftiinka

Shucaaciyo modab guduudka

Ku sheellani quruxda sheego

Sideedaad shaabahaadda

Heemaal sharaf qaatay leeday

Shanbaad kaga haybad roontay

Aragga shacnigiyo ilwaadka

Xiisaad shabbadyahay ku beertay

Hab dhaqan shaafiyay naftayda

Qayrkaa kugu shaamareere

Kor iyo hoos kuugu shawre

Inaa tahay quruxda sheellan

Shin dhalad baa tahay ayaanle

Shalay maansooyinkayga

Ayaanbaa ugu shidnayde

Haddeer adigaa shareeray

Shacniga adigaa mumtaas ah

Qalbiga adigaa shifeeyay

Anoo shoomeer jacayl ah

Shucuurtaydiyo dareenka

Adaa shaqadooda keenay......

Inkastoo Abwaanku aanu wali caddayn fannaanka heestaasi ku luuuqayn doona.

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo