Xil. Sheekh Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayanle Waa nin Markasta Danta Qaranka Ka Hor Mariya Shaykasta.

0
Monday August 28, 2017 - 09:08:39 in by salman abdi
  • Visits: 1124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xil. Sheekh Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayanle Waa nin Markasta Danta Qaranka Ka Hor Mariya Shaykasta.

    Waxana xusid mudan in hantidiisii ganacsigu uu hoos udhac ku yimaado maadaama uu caratuulkii ugu badnaa ee jidkaasi lacagbadan isgau ka bixiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxana xusid mudan in hantidiisii ganacsigu uu hoos udhac ku yimaado maadaama uu caratuulkii ugu badnaa ee jidkaasi lacagbadan isgau ka bixiyay  Waxana xusid mudan in hantidiisii ganacsigu uu hoos udhac ku yimaado maadaama uu caratuulkii ugu badnaa ee jidkaasi lacagbadan isgau ka bixiyay


Sida laga warqabo manta ayaa waxa xildhibaanada baarlamanka Somaliland ay u doorteen Xil. Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayanle in uu noqdo gudoomiye ku xigeenka koowaand ee golaha baarlamanka, oo dhawaan uu baneeyay xil Baashe oo isagu bedalay gudoomiyihii hore ee baarlamanka Cabdiraxmaan Ciro. Hadab qormadan kooban waxan kaga xogwaramaynaa taariikhda iyo shakhsiyada xildhibaan Axmed Yasin.

In tii aanu xildhibaan Ahmed Yasin Sheekh Ali Ayaanle aanu siyaasad ku biirin waxa uu ahaa nin ganacsade ah oo aad looga yaqaanay gobolka Awdal kana mid ahaa ganacsatada da yarta ah ee ka qaybqaata horumarinta wadooyinka iyo arimaha bulshada. Xil. Axmed Sh. Ali waxa uu ahaa Shakhsigii ugu horeeyay ee dantiisa ka hormariya danta guud


Ugu horayn Xil Axmed yaasiin waxa uu ku bixiyay hantidiisii ganacsi dawgii Boorama ilaa dilla, si looga dhigo caratuul wadadaasi oo ahayd midraf ah oo kuqaadan jirtay gaadiidka in ay iskaga gooshaan Dila iyo Borama saacado badan. Talaabadaasi oo dhiiri galisay ganacsatadii kale iyo dadwaynihii lana bilaabay qaadhaan ururin agu dhisayo jidka.

Waxana xusid mudan in hantidiisii ganacsigu uu hoos udhac ku yimaado maadaama uu caratuulkii ugu badnaa ee jidkaasi lacagbadan isgau ka bixiyay, waxana uu go aan saday in sanadkii 2005tii uu gabi ahaanba ka wareego ganacsigii isaga oo isku sharaxay tartankii xildhibaanada golaha baarlamanka Somaliland ee markaa dalka ka dhacay.

Hadaba umada Somaliland oo aan aqoon haldoorkooda xildhibaanadana ku dooranayay qabiil balse aan eegin qofka ka shaqaynkara danta umada, ayaa kaliftay haldoor Xildhibaan Sheekh Ahmed Yasin Sheekh Ali Ayaanle ukusoo dhex hirdamo isaga oo dhiiran tartankii xildhibaanimo, laakiin Ale umuu qadarin in uu in uu ka mid noqdo 13kii xildhibaan ee gobolka Awdal ka soo baxay, hase yeeshiee waxa uu noqday xildhibaanka 14 aad ee sugaya boos banaanaaday. Nasiib wanaag mudo yar kadib waxa banaanaaday boos xildhibaann ka soo jeeday xisbigii UDUB oo markaa Axmedyaasiin ka horeeyay, sidaasi ayuuna ku galay in uu xubin buuxda ka noqdo xildhibaanada golaga baarlamanka.

Dhinaca kale waxa xusid mudan in Xildhibaan Axmed Yaasiin uu si hufan uga shaqeeyay daminta iyo nabadaynta beelaha Somaliland. Tusaale ahaan markii dad ka soo jeeda Awdal lagu laayay jidka u dhexeeya Gabilay iyo Borama xildhibaan Axmed Yaasiin waxa uu ka mid ahaa xildhibaanadii reer Awdal ee sida fiican uga shaqeeyay in qalad aan qalad lagu sixin oo manta la tanaasulo waxa uu arkayay himilo fog iyo arin aan dadka reer Awdal markaa garanayn oo ah in la dulqaato, iyada oo la aar gudan karo.

Hadaba xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali waxa uu ahaa mudadii uu xildhibaanka ahaa mid hamigiisu ka sreeyo markasta arimaha xildhibaanada kale ee baarlamaanku ku dhaqmaan ee ah mooshin quudashada oo waa uu ka faani jiray waxaanu markasta codkiisa ugu hiilin jiray arimaha hore u marinaya umada Somaliland qaranimadeeda iyo danta umadii soodooratay, dhaqankaasi wanaagsay waxa ay siisay in uu maqac, sumcad, ixtiraam dheeraad ah in ka kabsado umada Somaliland, iyo xildhibaanada saaxiibadiiba waana tan manta keentay in ay ugu doortaan gudoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamanka.

Hadab waxaanu u mahad naqaynaa Xildhibaanada golaha wakiilada ee gartay xilka gudoomiye kuxigeenka Kobaad ee Shir gudoonka Golaha Wakii lada, qofka ku haboon ee isku wadi kara in uu yahay Xildhibaan Sheekh Ahmed Yasin Sheekh Ali Ayaanle. Waxaanu leenahay hadii aanu nahay bulshada somaliand waad ka jawaabteen friintii maalmihii indhaafay buldhadu idiin soo marinaysay baraha bulshada.

Sidookale waxaan leenahay Sheekh Ahmed Yasin Sheekh Ali Ayaanle gudoomiye kuxigeenka Kobaad Shir gudoonka Golaha Wakii lada ,juhdigii balaadhnaa ee aad latimid iyo culayskii kaanbaynka ee aad ku qancinaysay qofqof xildhibaanada golaha wakiilada iyo cidii kula howshootayba sida , ilaa hayna wa uu ku garab galy , waxaan ku leenahay hanbalyo ilaahayna ha kugu asturo xilka culus ee aad qaaday.

Ta labaad codkaa aqlabiyadii dhayal ku ma imane waa mid cudud kutimid taas oo ay qayb ka ahaa yayn Xukuumada hada Hogaamisa Jamhuuriyada Somaliland,Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye, Saladdinta Waa way nee kazoo jeeda Awdal iyo madax wayne Ku xigaynka Jamhuriyada Somaliland Mudane Cabdirahman Cabdilahi Saylici oo howshan geed dheer iyo geed gaaban ba ukoray, Waana Hodaalaha imika ee umada Somaliland gaar ahaan umada reer Awdal, waayo qof reer Awdal ah oo gaadha mansabkaa aad manta adigu gaadhay ma jiro Xukuumadan mudane Saylici uu ku jiro horteed, waana mid taariikhu xusi doonto.

Waxaana lanahay hanbalyo hanbalyo, waana waan ku bogaadinayaa, waxaanan ILAAHAY uga baryayaa inuu xilkaa ku garab galo Sheekh Axmed Yaasiin Sheekh Ali Ayaanle Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada, Waxaana ka filaynaa inuu ku soo kordhin doono shir-gudoonka golaha wakiilada firinfircooni cagan-yare wanaagsan u noqon doono hogaan wanaag ku dhisan aqiido diineed iyo bisayl siyaa sadeed, isla markaana dhexdhexaad u noqon doona dhamaan xildhibaanimada golaha wakiilada.

MUKHTAAR OSMAAN ABDI

XUBIN KA MID AH KOMISHANKA MAAMUL-WANAAGA IYO LA DAGAALANKA MUSUQMAASUQA

hooriyareone@yahoo.com

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga