Aynu Doorano Xisbiga Horumarka Somaliland
Waxaan idinku salaamay dhammaan akhristayaasha iyo xiiseeyayaasha Maqaalkan salanta ay isku salaam dadka jannada (Ahlu jannada) ee ah Asalaamu Calaykum Waraxmatu laahi Wabarakaatu hadii aan soo goobo maqaalkeygu wxuu manta daaranyahay dardaaran ah aynu doorno xisbiga Hormarka Somaliland , Xisbiga kulmiye oo noqday xisbigii lagu nastay 7-dii sano ee u danbeyay isla markaana Somaliland gaadhsiiyay horumar aad u balaadhan oo dhinaca kasta ah xisbiga kulmiye oo noqday xisbiga qudha ee ay umada Somaliland ku so hirtaaan muddooyinkii u danbeyay iyadoo waayeel , dhalinyaro iyo haweenba ku so qulqulayaan sidii ay u tageeri lahayeen xisbiga kulmiye oo ah xisbiga midnimada iyo horumarka Somaliland , hadaba xisbiga kulmiye oo muddadii u
xilka hayay ka qabtay Somaliland wax badan oo la taaban karo bal aynu so qaadano waxyaalaha u qabtay bulshada Somaliland ,oo ay ka mid yihiin , Caafimaad ka , Biyaha, Waxbarashada, Naafada, Haweenka, iyo sidoo kale dhalinyarada oo uu ka qayb galiyay hogaanka dalka JSL
Dhalinayrada: Sidaynu wada ognahay
dhalinyaradu waxa weeye laf dhabarka dalkasta waana kaydka dhabta ah
ee ay haysato, haboonna in si fiican looga faiidaysto dhalinayaradu waa
horumarka dalkaasta iyo umadkastaba hadba Somaliland waxay ku jirtaa
wadamada ugu dhalinayrada fiican waayo dhaliyarada Somaliland oo inta
badan u heelan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka dalkooda ,
hadaba xisbiga kulmiye oo noqday xisbiga qudha ee dhiiri galiyaa
dhalinyarada iyo haweenka Somaliland isla markaana ka qaybgaliyay
maamulka dalka , iyadoo masuuliyiin badan ay yihiin dhalinyaro taasina
ku tuseysaa in dhalinayrada Somaliland ay yihiin kuwo wax qabad leh oo u
heelan dalkooda inay wax u qabtaan dhalinyarada oo ah kuwo isku xidhan
isla markaan aaminsan inay Somaliland tahay dal muqadis,
Sidoo kale dhalinyaradu Somaliland waa xooga dalkani leeyahay waana
dadka ugu badan ee codeeya doorashoyinka ee ha lagu dadaaalo sidii
iyagana looga faa,iidaysan lahaa aqoontooda Kartidooda , daacadnimadooda
iyo xoogoda ,Dhalinayrada Somaliland waxaan u soo jeedinaya inay
markasta ay u socdaan xaga horumarka isla markaana ay codkaada siiyaan
,xisbiga horumarka iyo midnimada Somaliland ,
Diyaarintii :
Sa’ad Ahmed
Hagreisa , Somaliland
*********************************************************************
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga
Aynu Doorano Xisbiga Horumarka Somaliland
Dhalinayrada: Sidaynu wada ognahay dhalinyaradu waxa weeye laf dhabarka dalkasta waana kaydka dhabta ah ee ay haysato, haboonna in si fiican looga faiidaysto