Wax Ka Ogow TOBANKA Heshiis Ee Ugu Qaalisan Taariikhda Kubada Caalamka – Neymar, Pogba, Ronaldo Oo Ka Dhex Muuqda.

0
Monday August 28, 2017 - 15:29:23 in by salman abdi
  • Visits: 1972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Ka Ogow TOBANKA Heshiis Ee Ugu Qaalisan Taariikhda Kubada Caalamka – Neymar, Pogba, Ronaldo Oo Ka Dhex Muuqda.

    Suuqa kala iibsiga xagaagan waxa uu soo xirmayaa maalinta Khamiista, waxaana xagaagan aynu aragnay rikoorka suuqa kala iibsiga oo lagu jabiyay lacag aan marnaba lagu riyoon in ciyaaryahan laga bixin doono

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuqa kala iibsiga xagaagan waxa uu soo xirmayaa maalinta Khamiista, waxaana xagaagan aynu aragnay rikoorka suuqa kala iibsiga oo lagu jabiyay lacag aan marnaba lagu riyoon in ciyaaryahan laga bixin doono

Suuqa kala iibsiga xagaagan waxa uu soo xirmayaa maalinta Khamiista, waxaana xagaagan aynu aragnay rikoorka suuqa kala iibsiga oo lagu jabiyay lacag aan marnaba lagu riyoon in ciyaaryahan laga bixin doono.

Hadaba waxaanu eegeynaa 10ka ciyaaryahan ee ugu qaalisan taariikhda kubada cagta iyo qiimaha ay ku fadhiyaan. Sida aad ka warqabtaan Neymar ayaa xagaagan noqday xiddiga ugu qaalisan caalamka ka dib markii PSG ay bixisay lacagtii lagu burburinayay qandaraaskiisii Barcelona oo gaareysa 222 milyan yuro.

Xiddiga labaad ee ugu qaalisan waa ciyaaryahanka ka bedelaya booskiisii Barcelona da’ yarka Ousmane Dembele kaasoo ku soo wareegay heshiis 105 milyan yuro ah balse mustaqbalka noqon kara 147 milyan yuro iyadoo lacagtaas dheeriga ah ku xirnaan doonto kulamada uu u safto Barcelona iyo guulaha uu la gaaro.


Paul Pogba oo xagaagii hore jabiyay rikoorka suuqa kala iibsiga ayaa isna qiimo gaaraya 105 milyan yuro waxa uu uga soo wareegay Juventus islamarkaana uu dib ugu soo laabtay kooxdiisii hore ee Manchester United. Gareth Bale oo mar sii fogeyn ahaa xiddiga ugu qaalisan caalamka ayaa haatan ku jira kaalinta afaraad iyadoo Real Madrid ay ku soo iibsatay sannadii 2013 qiimo gaaraya 100.8 milyan yuro.

Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta shanaad ku jira waxaana ay Real Madrid ku soo iibsatay sannadii 2009 qiimo gaaraya 94 milyan yuro. Halka xiddiga Juventus Gonzalo Higuain uu ku jiro kaalinta lixaad isagoo heshiis 90 milyan yuro uga soo wareegay kooxda Napoli xagaagii 2016.

Heshiiskii uu Neymar uga soo wareegay kooxda Santos islamarkaana ugu biiray Barcelona ayaa isna ah heshiiska 7aad ee ugu qaalisan caalamka isagoo Camp Nou ku yimid 88.2 milyan yuro. Weeraryahanka Man United Romelu Lukaku ayaa ah xiddiga 8aad ee ugu qaalisan caalamka isagoo heshiis 85 milyan yuro uga soo wareegay Everton.

Heshiiskii uu Luis Suarez uga tagay Liverpool uguna biiray Barcelona ayaa ah kii 9aad ee ugu qaalisanaa caalamka isagoo ku fadhiya qiimo gaaraya 82.3 milyan yuro, halka weeraryahanka cusub ee Chelsea Alvaro Morata uu yahay heshiiska 10aad ee ugu qaalisan caalamka ka dib markii uu Real Madrid uga soo wareegay heshiis gaaraya 81.7 milyan yuro.