Angel di Maria Oo Ka Dalbaday Paris Saint-Germain Inay Maanta Ka Iibiyaan Barcelona Oo Aysan Ka Horjoogsan Inuu U Wareego Camp Nou

0
Thursday August 31, 2017 - 13:27:17 in by Burco Office
  • Visits: 966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Angel di Maria Oo Ka Dalbaday Paris Saint-Germain Inay Maanta Ka Iibiyaan Barcelona Oo Aysan Ka Horjoogsan Inuu U Wareego Camp Nou

    Angel Di Maria ayaa u sheegay Paris Saint-Germain inuu doonayo inuu ku biiro Barcelona, waxaana uu ka codsaday inaysan ka horjoogsanin inuu u wareego Camp Nou sida ay sheegayaan wararka Spain ka imaanaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Angel Di Maria ayaa u sheegay Paris Saint-Germain inuu doonayo inuu ku biiro Barcelona, waxaana uu ka codsaday inaysan ka horjoogsanin inuu u wareego Camp Nou sida ay sheegayaan wararka Spain ka imaanaya.

 

Angel Di Maria ayaa u sheegay Paris Saint-Germain inuu doonayo inuu ku biiro Barcelona, waxaana uu ka codsaday inaysan ka horjoogsanin inuu u wareego Camp Nou sida ay sheegayaan wararka Spain ka imaanaya.

Wargeyska Catalunya ka soo baxa ee Sport oo soo xiganaya El Larguero ayaa sheegaya in xiddiga reer Argentina uu doonayo inuu qasab ka dhigo u wareegistiisa Camp Nou, waxaana uu si shaqsi ah go’aankiisa ugu sheegay macalinka PSG Unai Emery.

 

Waxaa la isla dhexmarayaa in Barcelona ay u isticmaali karto xiddiga khadka dhexe ee Portugal Andre Gomes iyo waxoogaa lacag ah inay ku soo bedelato xiddiga garabka ka ciyaara.

Jariirada Sport ayaa soo qaadatay hadal uu dhawaan sheegay agaasimaha isboortiga Barcelona Robert Fernandez kaasoo ah inay kooxda dooneyso inay sameyso labo saxiix kale iyadoo labada xiddig ee diirada u saaran ay kala yihiin Philippe Coutinho iyo xiddigii hore ee Real Madrid.

Di Maria ayaa ka tagay Bernabey isagoo u wareegay Manchester United oo uu ku hungoobay sannadii 2014 ka hor inta uusan sannadkii ku xigay u wareegin Paris Saint-Germain isagoo dhaliyay 16 gool oo horyaalka Faransiiska ah 61 kulan uu saftay.