Kumanaan Qof Oo Ku Nool Magaalada Frankfurt Ee Dalka Jarmalka Oo Guryahooda Ka Qaxaya

0
Sunday September 03, 2017 - 11:51:46 in by salman abdi
  • Visits: 559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumanaan Qof Oo Ku Nool Magaalada Frankfurt Ee Dalka Jarmalka Oo Guryahooda Ka Qaxaya

    Bukaanada ku jira isbitaalada magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka ayaa laga saarayaa si loogu diyaargaroobo qarxinta bam weyn oo ka haray dagaalkii labaad ee adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bukaanada ku jira isbitaalada magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka ayaa laga saarayaa si loogu diyaargaroobo qarxinta bam weyn oo ka haray dagaalkii labaad ee adduunka.


Bamkan oo culeyskiisu yahay 1.4 tan oo lagu sameeyay dalka Ingiriiska ayaa laga helay Arbacadii aynu ka soo gudubnay magaalada Frankfrut waxaana lagu wadaa in la qarxiyo berri oo Axad ah.

Dad gaaraya 65000 oo ruux ayaa lagu amray inay ka baxaan guryahooda qofkii diidana waxaa la sheegay in xabsiga loo taxaabayo.

Waa markii ugu horeysay ee dad tiradaa gaaraya laga saaro guryahooda dalka Jarmalka hase yeeshee hore ayaa magaalo yar oo ku taal Galbeedka Frankfurt waxaa laga kaxeeyay guryahooda dad gaaraya 22,000 si loo furfuro bam ka soo haray dagaalkii labaad ee dunida.

Kumanaan bambooyin aan qarxin ayaa sanad walba laga helaa dalka Jarmalka iyadoo dagaalkii labaad ee dunida dalkaas ay wadamo badan isugu tageen si loo wiiqo awoodii Hitler.

Mas’uul ka mid ah maamulka Frankfurt ayaa u sheegay wakaalada wararka reuters in bukaano gaaraya boqol laga saarayo labo cisbitaal oo ku yaal magaalada Frankfurt.

Qarxinta bamkan ayaa la sheegay in ay qaadan doonto muddo 12 saacadood ah,Booliska ayaa sheegay in ay ilaalin doonaan guryaha laga raray qoysaskii degenaa si aan loo bililiqeysan.