Yusuf Garaad Cumar Oo Amar Ku Siiyey Safiirada Dalka Soomaaliya In Ayna Saxaafadda La Hadli Karin

0
Sunday September 03, 2017 - 11:54:54 in by salman abdi
  • Visits: 886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yusuf Garaad Cumar Oo Amar Ku Siiyey Safiirada Dalka Soomaaliya In Ayna Saxaafadda La Hadli Karin

    -Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Soomaaliya oo soo xiganaysa amar uu bixiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Yusuf Garaad Cumar ayaa lagu sheegay in Safiirada iyo ergooyinka joogtada ah aysan la hadli karin warbaahinta ilaa ay fasax k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Soomaaliya oo soo xiganaysa amar uu bixiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Yusuf Garaad Cumar ayaa lagu sheegay in Safiirada iyo ergooyinka joogtada ah aysan la hadli karin warbaahinta ilaa ay fasax ka helaan xarunta Wasaaradda.



Amarka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Soomaaliyaayaa imaanaya maalmo kadib markii saxaafadda Maraykanka loo dusiyey qoraal sir ah oo Yusuf Garaad Cumar u diray Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya! kana dalbanayo farogelin milteri in Soomaaliya lagu sameeyo gaar ahaan gobolada dhexe oo al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen Macdanta laga bacramiyo quwada Nukliyeerka, taas oo ay u dhoofinayaan dalka Iran.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka Axmed Ciise Cawad ayaa jiritaanka warqadda u xaqiijiyey Warbaahinta VOA.

Waxaa la aaminsan yahay amarka ka soo baxay Yusuf Garaad in uu daba socdo hadalka uu warbaahinta siiyey Axmed Ciise Cawad Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka.

Go’aankan ayaa la dhihi karaa waa fadeexad kale, kadib markii horey Raysalwasaare ku-xigeenka Soomaaliya uu amar siiyey Wasiiradu in aysan la hadli karin saxaafadda haddii aysan oggolaansho haysan.

Safiirada iyo ergooyinku waxay metalayaan dalkooda, waxaana lagu yaqaanaa in Warbaahintu ay wax ka weydiiso waxyaabaha markaas la xiriira dalkooda, Waxaana muuqata in Wasaaradda Arrimaha dibaddu ay fadeexadaheeda sidaan ku dabooleyso.

hoos ka kahri qoraalka

 

Somalilandtoday/Hargeysa/Office