Faah-faahin: Dab Xooggan Oo Xalay Bur-buryiyay Qeybo Kamid Ah Suuqa Labaad Ee Ugu Weyn Muqdisho

0
Sunday September 03, 2017 - 12:08:58 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah-faahin: Dab Xooggan Oo Xalay Bur-buryiyay Qeybo Kamid Ah Suuqa Labaad Ee Ugu Weyn Muqdisho

    Dab xooggan ayaa xalay fiidkii ka kacay Suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya ee Suuq Bacaad ee Magaalladda Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab xooggan ayaa xalay fiidkii ka kacay Suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya ee Suuq Bacaad ee Magaalladda Muqdisho.



Dabkan oo sida la sheegay ka dhashay koronto, ayaa markii hore qabsaday qaybta sarifka, waxaana uu daqiiqado ka dib uu ku fiday dhismayaal ganacsi ee ku dhow dhow, sida mid kamid ah ganacsatada Suuqa uu u sheegay Hiiraan Online.

Dabka oo bilowday abaarihii 7-dii fiidnimo, ayaa waxaa lagu guuleystay in la baqtiiyo 11-kii caweysnimo. Gawaarida dad demiska ee maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa ay leeyihiin shirkado gaar ah ayaa ku guuleystay inay demiyaan dab ka kacay suuq Bcaad.

Dabka ayaa gubay qeybo ka mid ah suuqa, lamana oga qaraasaha ka dhashay, balse waxaa loo maleynayaa inay malaayiin dollar noqon karto.

Dad shacab ah oo ku noollaa nawaaxiga dabka uu ka kacay ayaa xalay xilli dambe laga saaray guryahooda.

Qiiq iyo Uuro wayn oo ka kacday suuqa ayaa laga arkay qaybo badan oo magaalada Muqdisho ka mid ah.