Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Sweden Oo Wasiirka Arimaha Dibada Dalkaasu U So Jeediyay In Somaliland La Citirafo

0
Sunday September 03, 2017 - 15:09:44 in by Burco Office
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Sweden Oo Wasiirka Arimaha Dibada Dalkaasu U So Jeediyay In Somaliland La Citirafo

    Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Sweden Oo Wasiirka Arimaha Dibada Dalkaasu U So Jeediyay In Somaliland La Citirafo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Sweden Oo Wasiirka Arimaha Dibada Dalkaasu U So Jeediyay In Somaliland La Citirafo

31 Aguast oo ahayd khamiistii toddobaadkan ayaa waxa baarlamaanka Sweden su’aalo ku saabsan qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland iyo doorka dawladda Sweden lagu weydiiyay golahaas wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Sweden Margot Wallström.

Fadhigan oo qabsoomay markii ay xildhibaanadu ka soo noqdeen fasaxii xagaaga ee sannadkan, ayaa waxa wasiirka khaarajiga Sweden su’aalo weydiiyay xildhibaan Markus Wiechel oo ka tirsan xisbiga SD ee dalkaas Sweden, waxaanu dawladda Sweden u soo jeediyay inay aqoonsato oo ku dhiirato qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, isagoo soo jeediyay warbixin ku saabsan xaaladaha kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka khaarajiga ee Sweden, waxa ay sheegtay inaanay Somaliland weli aqoonsi ka helin dunida, iyadoo xustay inaanu muuqan dedaal aqoonsi oo ay reer Somaliland

ameeyeen. Samiir Ducaale oo soo turjumay su’aalaha iyo jawaabaha wasiirka iyo xildhibaanada, ayaa waxaanu ka soo xiganay baraha uu ku leeyahay facebook iyo twitter, waxaanay wasiiradu tidhi "Somaliland ictiraaf kama ay helin waddan ka tirsan Midowga Yurub ama Midowga Afrika.. Waxaa si baaxdleh u muuqataa in arrinka ictiraaf raadintu aanu ahayn mid aad looga shaqeeyay. Markaa waxa halkaa ka cad in la bilaabo da’daal lagu doonayo aqoonsi. Imika ma jiro dhaqdhaqaaq noocaas ahi”

 

Hase yeeshee xildhibaan ayaa ku dooday "Maaha wax lala yaabo in Somaliland iyo horumarkeeda aanay icitraafin Midowga Afrika oo u badan waddamo ay ka xukumaan keligii taliyayaal. Wasiir, miyaanaad ogeyn in dadka reer Somaliland ay masiirkooda iyaga oo keli ah, ay go’aan ka gaadhi karaan. Ogoow, Somaliland rajadeeda waa in ay madaxbanaanideeda la soo noqoto. Middaasina nabada geeska wax u dhimi mayso. Waxaa kale oo muhiim ah in heshiiskii Somaliland iyo Somaliya ku midoobeen aan laga ansixin golihii Midowga ee 1960. Middaasi waa su’aal gelinaya jiritaanka heshiiskaas.”

Wasiirka khaarajia Sweden waxay qirtay in Somaliland ay samaysay horumar balaadhan, waxase ay tilmaantay in aqoonsiga Somaliland dhaawici karo geedi socodka nabadeed ee dalka Somaliya, waxaanay tidhi "Waa muhiim in la xuso in horumarka Somaliland uu ahaa mid ka horeeya, gobolka intiisa kale. Somaliland kama uu dhicin dagaal sokeeye oo daba dheeraaday, sidoo kale hey’adda dawliga ahi xoog uma ay burburin. Middadaasi waa tusaale fiican. Waxaa xaqiiq ah in ay dhib iyo dheefba leedahay in aad dawlad FEDERAAL ah ka mid noqoto.. Waxaa kale oo xusid mudan in xubno metelaya qabiilada Somaliland ay ka mid yihiin xukuumada iyo baarlamaanka Soomaaliya. Haddii Somaliland la ictiraafona, waxaa macquul ah in taasi wax u dhinto hanaanka nabadeynta Soomaliya” Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Margot Wallström.