"Haddii Ay Igu Kalifto Oo Wada-hadalladan Somaliland Ay Shaqayn Waayaan Jabhadaydii Ayaan Ku Noqonaya" Prof. Cali Khaliif Galaydh

0
Monday September 04, 2017 - 09:23:06 in by Burco Office
  • Visits: 497
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Haddii Ay Igu Kalifto Oo Wada-hadalladan Somaliland Ay Shaqayn Waayaan Jabhadaydii Ayaan Ku Noqonaya" Prof. Cali Khaliif Galaydh

    "Haddii Ay Igu Kalifto Oo Wada-hadalladan Somaliland Ay Shaqayn Waayaan Jabhadaydii Ayaan Ku Noqonaya" Prof. Cali Khaliif Galaydh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddii Ay Igu Kalifto Oo Wada-hadalladan Somaliland Ay Shaqayn Waayaan Jabhadaydii Ayaan Ku Noqonaya" Prof. Cali Khaliif Galaydh

Hoggaamiyaha kooxda Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa waxa uu sheegay haddii ay Somaliland iyo Khaatumo isku afgaran waayaan wada-hadallada u socda in uu dib doorka u gali doono oo Jabhad samaysan doono.


Prof. Cali Khaliif Galaydh oo waraysi siinayay Talefishanka Universal ayaa waxa uu sheegay in uu hore u soo Jabhadeeyay hadda haddii loo baahdana uu Jabhadayn doono, waxaanu yidhi "haa waan Jabhadeeyay, hadda haddii ay igu kalifto oo wada-hadalladani ay shaqayn waayaana markaana waan Jabhadaynayaa, markaan Jabhad ayaan noqonayaa xitaa haddii aanan anigu madax u noqon dadkani inay helaan xuquuqda ay leeyihiin waa arrin aan aaminsanahay, waxa aan iyaga gaar ugu rabo na maahine anigu Somaliland iyo Soomaaliyada aan jeclahay inay dhisanto, waa Somaliland aan jeclahay in aan ka hawl-galo oo runtii inta u dhiman in badan waa u dhiman tahaye sida ay hadda tahay Somaliland meel aanu ka qayb-gali karno maaha, maaha qabiil ahaan laakiin waa habka ay wax u socdaan hadda waxa aan ku dhaliiliba waa waaqica jira, 25-kaa sanno ee ay Somaliland soo jirtay in badan way u soorto gashay ta ugu weyni waa ta nabada, waa laysku yaac-yaacay waa la kala adkaaday maamulkana wuu dhismay, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal-na door weyn ayuu ku lahaa dhismihiisa, in kasta oo uu dagaalkii sokeeye uu ahaa ninkii mar Madaxweynaha ahaa laakiin wixii dhismay ee ilaa hadda ay ku socoto door weyn ayuu ku lahaa oo dee runtii ay tahay in loo qiro, Daahir Riyaale Kaahin-na qudhadiisu hawsha wuu sii waday, Axmed-na waakan oo wuu wadaa, anigu waxa aan leeyahay in badan ayaa dhiman, maxaa loo hayaa Sool, Sanaag iyo Cayn, maxay arrintani ku degi kartaa oo wax ku noqon kartaa oo wax ku noqon kartaa oo dadku waxyaabaha la tabanayo ee ka Boorama jooga iyo ka Ceerigaabo ay tabanayaan” ayuu yidhi Prof. Cali Khaliif Galaydh.