XANUUNKA IYO SAXARIIRKA HAYSTA DHALINYARADA DA,DA YAR EE DARBI JIIFKA AH WQ: SHAYBE CUMAR CISMAAN

0
Monday September 04, 2017 - 17:38:13 in by Burco Office
  • Visits: 2303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XANUUNKA IYO SAXARIIRKA HAYSTA DHALINYARADA DA,DA YAR EE DARBI JIIFKA AH WQ: SHAYBE CUMAR CISMAAN

    XANUUNKA IYO SAXARIIRKA HAYSTA DHALINYARADA DA,DA YAR EE DARBI JIIFKA AH WQ: SHAYBE CUMAR CISMAAN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XANUUNKA IYO SAXARIIRKA HAYSTA DHALINYARADA DA,DA YAR EE DARBI JIIFKA AH WQ: SHAYBE CUMAR CISMAAN

Sacadu waxy ahyd 12:00 habenimo 17/8/2017 haben sabtiya waxan maraayay wado kamida wadooyinka halbaw laha u ah magaalada burco ee xaruunta gobolka togdheer.
Waxan sikadisa uula kulmay wiil dadiisa aan ku qiyaasay 12 jir oo darbijiifa waxa uu wadada ku cabaayay xabag ama koolo,
Waxa jiidhi gaadhy baabur si xawliya u soconaayay baaburki ayaan ka qabty anoo aad unaxsan ayaan waydiiyay su’aal waxaanan ku idhi. "adeer maxaad gaadhiga uuga baydhi wayday ?
Waxa uu isiiyay jawaab aan aad uuga xumaado runtii oo ahyd. adeer dunida waxaba iimayaalaan cidina iima joogto nolashayduna aad bay u xuntahy oo waad aragta mudo badana wax macunin marka intii gaajo idili lahyd in wax kale idilo ila qurux badnaaty .
Aad ayaan hadaladaa uga xumaady oo waa ay idam qeen, waxan kalo su’aalay adeer ila manta wax maadan cunin miyaa waxa igu jawaby my oo mudo laba cisho ahba wax maan xunin .
Waxan isku dayay inaan u heli wuxuu cuno, nasiib daro waan waayay oo gobahii wax laga cuni jirayba waa lawada xidhay .oo xili danbe ahayd, kadib waxn helay tukaan furan waxaanan ka iibsany waxaan wada cuno.
Kadib waxa na dhexmary sheeko dheer waxaanan is waydiinay su’aalo farabadan .waxan su’alay maxaa sababay inad darbijiif noqoto ?
Waxa uu igu jawaby famligay sabab too’ah aabahay iyo hooyaday waxa ay kala tageen anoo aad u yar markaa kadib aabahy ayaa ikaxaystay mudo markan la’joogay waxa uu aroosay gabadh kale mudo ayaan la’noola waxa ay ii gaysan jirty tacadiyaad xunxun xiliyada qaar waxa ay iidiri jirty Shaqooyin aad u adag oo aanan qaban karayn.
Markaa aan ka soobixi waayo way idili jirty hadaan isdhaho iska celi oo ujawaab, aabe ayay igu diri jirty oo sixun ii garaci jiray marka waxn go’aansaday inaan iskaga imaado waxaan soogalay magaalada burco malinkaan imi waan garan waayay waxan qabto waayo dadaydu intan way ka yarayd is lamar kaa waxn barty koolada oo aan cabideeda bilaabay .
Waxan kaloo su’aalay xageed ku nooshihiin waxaka cuntaan una hoyataan ?
Waxa uu igu jawaaby inaanay jirin hoy ugaara oo ay seexdaan balse ay jiifsaadaan laamiyada dhinac yadooda guryaha kharabadaha iyo goobaha qashinka lagu sooqubo.
Waxanu cunaa hanbooyinka hutelada oo aanu xiliyada qaar dhibato kala kulano dhibatadas oo ay noogaystan cida hutelka ka shaqaynaysa mararka qaarna anagaa isku layna oo midkastaaba kuu kaxoog wayn yahy buu ka qaadaa .
Hadaba akhriste ubadkaasi waxy ku nool yihiin nolol mugdi iyo dhibato badan runtii ma helaan nolal fiican waana ubad u baahan in wax looqabto oo lagarab istaago .
Majirto cid iska xilsaarty dawlada iyo shacabka kuu doono ba ha ahaade .
Waxa jira dad ayana lacago kaga sooqata hayadaha iyo dawlada oo dhaha wax baan u qabanaynaa ku waasna waxaan leeyahy alle ka cabsada oo darbijiifka dantiisa ama daacad u eega ama daaya .
Dhamaan akhyaarta kala duwan waxaad ila wadaagtan fikir kiina oo aad igu soodiraysaan
Caruurta darbi jiifta sidee ayaa looga saari kara dhuuqida koolada iyo xalada xun ee ay ku sugan yihiin?
Share dheh si dadyaw farabadani inoola wadaagaan fikirkooda oo aan aad uugu baahanahy wakhti xadirkan waxaanan diyaar u ahay sidaan wax uugu qabn lahaa.aynu udiir naxno ubdkeena ubahan cid waxa u qabta .

WQ Shaybe Cumar Cismaan {Shaybe Sheekeeye}