Hay'ad muhaajiriinta Yurub u socda badbaadin jirtay oo u jeedsatay samato bixinta Rohingya

0
Tuesday September 05, 2017 - 10:20:37 in by Burco Office
  • Visits: 544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'ad muhaajiriinta Yurub u socda badbaadin jirtay oo u jeedsatay samato bixinta Rohingya

    Hay'ad muhaajiriinta Yurub u socda badbaadin jirtay oo u jeedsatay samato bixinta Rohingya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'ad muhaajiriinta Yurub u socda badbaadin jirtay oo u jeedsatay samato bixinta Rohingya

Hay'ad sheegtay in ay 40,000 oo ruux ka badbaadisay badda Mediterranean ayaa hawlgalladeeda u wareejinaysa Aasiya, si ay u caawiso dadka qawmiyadda Rohingya.

Hay'adda MOAS ayaa hawlgalladeeda ka wareejinaysa Malta, halkaas oo ay muhaajiriinta ka badbaadinaysay tan iyo sannadkii 2014kii, waxayna u wareejinaysaa biyaha Myanmar.

Go'aankan ayaa yimid ka dib markii dadka Rohingya ee Bangladesh u qaxaya ay gaareen 87,000, sida ay qiyaastay Qaramada Midoobay.

Si kastaba ha ahaatee go'aankan ayay sidoo kale qaadatay iyadoo aysan kala caddayn cimilada Liibiya.

Hay'addu waxay ka walwalsan tahay sida ay Yurub uga go'antahay in ay hor istaagto muhaajiriinta ka soo galaya dhanka Liibiyaa, iyadoo ay isku dayayso in ay dajiso dalkaas.

Khariidad

Arrinta hor istaagidda ayayna ku tilmaantay in ay halis galinayso nolosha dadka. "Waxaana si isa sii taraysa mugdi u sii galaya" in dadka ay badbaadiyaan ay u heli karaan goob ammaan ah oo ay geeyaan. Sida ay hay'addu sheegtay.

Regina Catrambone oo wax ka aasaastay hay'adda MOAS ayaa taageerayaashooda u sheegtay "wakhtigan waxaa jira su'aalo badan oo aan jawaabo loo haynin, iyo shakiyo badan oo la xiriira dadka lagu xanibay ama dib loogu celiyay Liibiya.

"Dadka soo samato baxsada waxay ka sheekeeyaan tacaddiyo, rabshado, jirdil, afduub iyo dhibaatooyin kale".