Booliska Kenya oo sheegay in 6 dagaalyahanno kenyan ah oo ka tirsan Al Shabaab ay doonayaan in ay kasoo goostaan kooxda.

0
Wednesday September 06, 2017 - 12:07:10 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Kenya oo sheegay in 6 dagaalyahanno kenyan ah oo ka tirsan Al Shabaab ay doonayaan in ay kasoo goostaan kooxda.

    Tiro kamid ah dagaalyahannada kooxda Al Shabaab ee u dhashay dalka Kenya, ayaa doonaya in ay ka baxaan kooxda, oo ay dib ugu noqdaan dalkooda, kaddib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay dagaalyahannadda dhexdooda, sida sirdoonka dalkaasi ay sheegeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tiro kamid ah dagaalyahannada kooxda Al Shabaab ee u dhashay dalka Kenya, ayaa doonaya in ay ka baxaan kooxda, oo ay dib ugu noqdaan dalkooda, kaddib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay dagaalyahannadda dhexdooda, sida sirdoonka dalkaasi ay sheegeen.

Warbixino lagu kalsoonyahay oo laga helay Police-ka ayaa cadeyneysa in dagaalyahannada doonaya in ay Al Shabaab isaga baxaan uu kamid yahay Ahmed Iman Ali oo lagu naaneyso Abu Zinira iyo ugu yaraan shan dagaalyahanno kale, sida uu sheegay wargeyska Standarmedia ee dalka Kenya.

Sida laga soo xigtay warbixinta, qaar ka mid ah taageerayaasha Iman, waxay u badan tahay inay soo raacidoonaan, marka uu ka tagayo kooxda, waxaana dagaalyahannada isaga soo raaci doono loo maleynayaa Juma Ayub Otit Were oo lagu naaneyso KB, Erick Achayo Ogada oo lagu naaneyso Nabhan, Ramadhan Kioko oo loo yaqaanno Pinji aka Abu Nuseiba, Suleiman Irungu Mwangi oo lagu naaneyso, Karongo oo loogu yeero Maalim Zakariya aka Idriss, iyo Mohamed Tajir Ali oo lagu naaneyso Wahome.

Shanta qof ee warbixinta ay sheegtay ayaa waxaa kal hore dowladda Kenya ay madaxyadooda dul dhigtay Sh2 million.

Boliska waxay sheegeen in Ahmed Iimaan Cali "Abu Ziniraā€¯, uu yahay Hoggaamiyaha Alshabaabka ka soo jeeda Kenya, kaasi oo Dagaalyahano badan ku haysta Dhulka Kaymaha ee Boni Forset.

Ahmed Iman Ali oo lagu naaneyso Abu Zinira, ayaa lagu eedeeyay in shanta dagaalyahan uu ku tababaray deegaanka Majengo uuna u fududeeyay in ay u safraan dalka Soomaaliya kuna biiraan Al Shabaab sanadkii 2009.