Kenya oo lacago dul-dhigtay hoggaamiye ka tirsan Al Shabaab iyo 8 dagaalyahanno oo ka howlgalla Kenya

0
Wednesday September 06, 2017 - 12:30:57 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo lacago dul-dhigtay hoggaamiye ka tirsan Al Shabaab iyo 8 dagaalyahanno oo ka howlgalla Kenya

    Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa 160,000 oo Dollar dul-dhigay sii loo soo xiri lahaa8 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa 160,000 oo Dollar dul-dhigay sii loo soo xiri lahaa8 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Siddeeda xubnood ee lacagta la dul-dhigay ayaa dowladdu ay sheegtay in ay ka howlgallaan gudaha dalka Kenya.

Booliska waxay sheegeen in xubnahaasi uu ka mid yahay Hoggaamiyaha Alshabaabka ka soo jeeda Kenya oo ay magaciisa ku sheegeen Axmed Iimaan Cali "Abu Ziniraā€¯, kaasi oo Dagaalyahano badan ku haysta Dhulka Kaymaha ee Boni Forset.

Dhinaca kale Tiro kamid ah dagaalyahannada kooxda Al Shabaab ee u dhashay dalka Kenya, ayaa doonaya in ay ka baxaan kooxda, oo ay dib ugu noqdaan dalkooda, kaddib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay dagaalyahannadda dhexdooda, sida sirdoonka dalkaasi ay sheegeen.

Warbixino lagu kalsoonyahay oo laga helay Police-ka ayaa cadeyneysa in dagaalyahannada doonaya in ay Al Shabaab isaga baxaan uu kamid yahay Ahmed Iman Ali oo lagu naaneyso Abu Zinira iyo ugu yaraan shan dagaalyahanno kale, sida uu sheegay wargeyska Standarmedia ee dalka Kenya.