Diyaaradaha dagaalka Israel oo weerar ku qaaday Suuriya

0
Friday September 08, 2017 - 08:04:57 in by Burco Office
  • Visits: 560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha dagaalka Israel oo weerar ku qaaday Suuriya

    Diyaaradaha dagaalka Israel oo weerar ku qaaday Suuriya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradaha dagaalka Israel oo weerar ku qaaday Suuriya

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa weeraray saldhig milatari oo ku yaal meel u dhaw tuulada Misyaaf ee gobolka Xama' ee galbeedka dalka Suuriya, sida ay wararku sheegayaana waxay halkaa ku dileen laba askari oo ciidanka Suuriya ka tirsan.

Wakaaladda wararka dawladda Suuriya oo soo xiganaysa taliska guud ee ciidanka ayaa sheegtay in diyaaradaha Israel ay "dhawr gantaal ka soo rideen hawada Lubnaan kuwaas oo midkood ku dhacay goob ciidan oo u dhaw tuulada Misyaaf, waxaanu geystay khasaare maal isla markaana waxaa goobta ku shahiiday laba askari"

Ciidanka Suuriya ayaa ku tilmaamay duqaynta Israel in ay tahay "isku day naf la caari ah oo looga dan leeyahay in niyadda loogu dhiso ururka argagixisada ah ee Daacish ee jabay".

Wararka ay tabinayaan warbaahinta Israel ayaa iyaguna sheegaya in weerarkaa lala beegsaday warshad kiimikaad oo halkaa ku taal. Weerarkani wuxu ku soo beegmay iyadoo ciidanka Israel mudo toban maalmood ah ba waday dhoola tus milatari oo uu ugu diyaar garoobayo dagaal uu ku qaado kooxda Xisbullaah ee Lubnaan.

Suuriya waxay bishii Abriil ku eedaysay Israel weerar lala beegsaday garoonka diyaaradaha ee caasimadda Dimis