Booliska Mombasa oo xiray dad "sixir suuq u raadinayay"

0
Friday September 08, 2017 - 08:22:17 in by Burco Office
  • Visits: 560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Mombasa oo xiray dad "sixir suuq u raadinayay"

    Booliska Mombasa oo xiray dad "sixir suuq u raadinayay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Mombasa oo xiray dad "sixir suuq u raadinayay"

Booliska magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa xiray afar qof oo lagu eedeeyay inay "suuq u raadinayeen" sixir, ka dib markii laba nin oo qaawan, midkoodna uu dhabarka mas kuwato lagu arkay dariiq ku yaal magaalo xeebeedkaasi.

Ragga qaawan oo jirdkoodu dhooba mariyay ayaa markii hore la moodayay in ay sixran yihiin, waxaana wararka qaar ay sheegayeen inay xadeen gaari.

Haweeneyda lahayd gaariga ayaa la sheegay inay u tagtay sixiroole, lacagna ku siisay inuu usoo qabto gaariga iyo cidda ka xadayba.

Sixiroolaha ayaa la sheegay in uu haweeneyda uu ku wargeliyay in tuugada gaariga ka xaday lagu arki doono bartamaha magaalada ayagoo qaawan.

Dhacdadan ayaa soo jiidatay indhaha dad badan oo ku nool Mombasa, oo xitaa waxaa si toos ah looga daawanayay telefishin maxalli ah.

Balse booliska ayaa sheegay in arintan ay ahayd mid ay afarta qof kasoo shaqeeyeen, oo ay suuq ugu raadinayeen sixirka.

Afarta qof ayaa maxkamad la geeyay, ayadoo haweeneyda lagu eedeeyay inay been u sheegtay booliska, sixiroolahana uu mas si sharci darro ah u haystay, halka labada nin ee is qaawiyay la baarayo caafimaadka maskaxdooda.