QM: Kumannaan Rohingya ah ayaa u qaxay Bangladesh

0
Friday September 08, 2017 - 08:29:37 in by Burco Office
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM: Kumannaan Rohingya ah ayaa u qaxay Bangladesh

    QM: Kumannaan Rohingya ah ayaa u qaxay Bangladesh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QM: Kumannaan Rohingya ah ayaa u qaxay Bangladesh

Qaramada Midoobay waxaa ay sheegtay in ku dhawaad laba boqol iyo konton kun oo qof oo Muslimiinta laga tirada badanyahy ee Rohingya ay ka qaxeen dalka Myanmar, ayna gaareen dalka Bangladesh tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

Saddex meelood laba meel dadka Rohingya ayaa Myanmar ka soo baxsaday labadii toddobaad ee la soo dhaafay, kaddib markii weerar ay geysteen maleeshiyadka qowmiyaddaasi uu sababay weeraro argoosi ah oo ka dhan ah Muslimiintaasi.

Weriyaha BBC-da ee halkaasi ayaa soo sheegaya in uu arkay xaalad aad u daran oo ka taagan gobolka Rakhine ee dalka Myanmar.

Weriyuhu waxaa kale oo uu soo sheegayaa inuu arkay tuulooyin laga qaxay, dalag la gubay iyo welibana xoolo dadkii dhaqanayay ay ka tageen. Waxaana uu intaa ku daray in mid kamid ah tuulooyinkii ay deganayeen Muslimiinta dalkaasi ay dab qabadsiyeen dadka aaminsan diinta Buddhism-ka.

Qaxootiga qowmiyaddani laga tirada badan yahay ee Rohingya ayaa waxaa ay sheegayaan in lagu khasbay in ay dalkooda ka qaxaan, kaddib markii sida ay sheegeen ay tuulooyinkii ay deganayeen ay soo weerareen ciidamada milatariga Myanmar iyo dad shacab ah oo hubeysan.

Haseyeeshee dowladda Myanmar ayaa sheegtay in mintidiin hubeysan oo ka tirsan qowmiyadda ay weerarro ku qaadeen saldhigyo ay leeyihiin booliska.