Xisbiga UCID Oo Xaflad Soo Dhawayn Ah Magaalada Hargaysa Ugu Sameeyay Ururada HALDOOR, IFTIN Iyo SAMO-TALIS Oo Ku Soo Biiray Xisbiga UCID

0
Friday September 08, 2017 - 18:19:14 in by Burco Office
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga UCID Oo Xaflad Soo Dhawayn Ah Magaalada Hargaysa Ugu Sameeyay Ururada HALDOOR, IFTIN Iyo SAMO-TALIS Oo Ku Soo Biiray Xisbiga UCID

    Xisbiga UCID Oo Xaflad Soo Dhawayn Ah Magaalada Hargaysa Ugu Sameeyay Ururada HALDOOR, IFTIN Iyo SAMO-TALIS Oo Ku Soo Biiray Xisbiga UCID

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga UCID Oo Xaflad Soo Dhawayn Ah Magaalada Hargaysa Ugu Sameeyay Ururada HALDOOR, IFTIN Iyo SAMO-TALIS Oo Ku Soo Biiray Xisbiga UCID

Xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ay soo buux-dhaafiyeen taageerayaasha laxaad-ka leh ee UCID ayaa maanta ka dhacday Hargaysa .

Waxaana xafladdan lagu soo dhaweenayay, Xisbigana ku soo biiray ururada ugu miisanka culus ee ka dhisan Caasimadda Hargaysa oo kala ahaa, Haldoor, Samo-talis iyo iftin .

Xafladdan ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda sare ee UCID oo uu hogaaminayay Murashax Faysal Cali Waraabe, Madaxda Ururada cududooda ku soo biirayay xisbiga, Xubnaha garabbada haweenka iyo dhalinyarada, Odayaal, Waxgarad iyo taageerayaal tiro-badan .

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee UCID Mudane Maxamed Aadan, waxaanu gacmo-furan ko soo dhaweeyay taageerayaasha iyo madaxda ururada, waxaanu cod dheer ku sheegay in Murashax Faysal Cali Waraabe yahay muwaadin dalku u baahanyahay .

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Madaxda ururada ku soo biiray Xisbiga UCID ee kala ah HALDOOR, IFTIN Iyo SAMO-TALIS, Waxaanay si isku mid ah carrabka ugu adkeeyeen in sababta ugu wayn ee ay xisbiga UCID ugu soo biireen tahay in xisbiga UCID yahay xisbi qaran oo aanu ahayn xisbi ku suntan qabyaalad, waxaanay jeediyeen khudbado ku tacalluqa qiimaha qaranimada, iyo dhibaatada qabyaaladuu leedahay, iyagoo dul istaagay sida qabyaaladdu u riftay wada jirkii dalka iyo sida ay u curyaamisay horumarka umadda Dalka Somaliland .

Xog-hayaha Guud Ee UCID Garyaqaan Ismaaciil Cabdi iyo Gudoomiyaha Kaambeenka Axmed Xirsi Ducaale oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday Xisbiga UCID iyo sida uu yahay Xisbiga Badbaadada Somaliland, iyagoo bulshada Reer Somaliland ugu baaqay in ay ka guuraan nidaamka qabyaalada oo ay u hiiliyaan Mustaqbalkooda .

Ugu dambayn waxaa halkaasi khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu ugu horayn soo dhaweeyay Ururada Saddexda ah ee ku soo biiray UCID .

Waxaanu sheegay in khudbadihii ay jeediyeen dhalinyaradu ay yihiin kuwo isna qalbigiisa ku jira, waxaanu ku dheeraaday halgankii iyo tacabkii uu soo galiyay Dalka, isagoo ta baddalkeedana bulshada farta ugu fiiqay sida ay Murashaxiinta Cirro iyo Muuse Biixi ay uga faro-madhanyihiin waxqabad iyo tacab ay dalkooda galiyeen muddadii Somaliland jirtay .

Murashaxa ayaa carrabka ku adkeeyay in Muashaxiinta dhigiisa ahi aanay ahayn kuwo ku haboon talada dalka, isagoo bulshada ugu baaqay in aanay mustaqbalkooda u hiiliyaan .

Gudoomiye Faysal ayaa carrabka ku dhuftay barnaamijka Siyaasiga ah ee UCID, waxaanu sheegay in Xisbiga UCID ay la tartamayaan Xisbi kala jabay, waxaanu sheegay in Xisbiga WADDANI ay galeen Kulmiyihii hore, Halka KULMIYE-na yahay Xisbi ay joogaan hadhaagii KULMIYE .

Xisbiga UCID ayaa ka siyaasad duwan Xisbiyada kale ee WADDANI iyo KULMIYE, kuwaas oo ku suntan Qabyaalad, Halka Xisbiga UCID uu ku suntanyahay Qarannimo