Kulankii Golaha Shacabka Soomaaliya ee maanta oo baaqday

0
Sunday September 10, 2017 - 07:47:49 in by Burco Office
  • Visits: 629
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulankii Golaha Shacabka Soomaaliya ee maanta oo baaqday

    Kulankii Golaha Shacabka Soomaaliya ee maanta oo baaqday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankii Golaha Shacabka Soomaaliya ee maanta oo baaqday

Gudoonka Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu baaqday kulankii maanta ay magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid kaddib markiii uu buuxsami waayay kooramkii loogu tagalay inuu ku furmo kulanka xildhibaannada baarlamaanka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari, oo jeediyay hadal kooban ayaa sheegay inay jiraan xildhibaano yimid haddana aan saxiixin buuga taasina ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo.

Ciidamo milateri iyo boolis isuga jira ayaa la soo dhoobay waddoooyinka muhiimka ah ee magaalada iyadoo inta badan waddooyinkuna ay xirnaayeen maanta.

Xildhibaannada qaar ayaa ku eedeeyay xukuumadda in taasi ay uga gol-laheyd in xildhibaannada ay u suurageli wayso inay yimaadaan dhismaha baarlamaanka.

Sidoo kale weriyayaasha ayey ku adkaatay inay tagaan dhismaha baarlamaanka kaddib markii ay saameyn ku yeelatay waddooyinka xiran.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Soomaaliya oo hoolka baarlamanka labo labo u sheekaysanaya kaddib markii uu baaqday shirkii maanta
Image captionXildhibaanada Golaha Shacabka ee Soomaaliya oo hoolka baarlamanka labo labo u sheekaysanaya kaddib markii uu baaqday shirkii maanta

Waxaa lagu waday in maanta ay xildhibaanada Golaha Shacabka ee Soomaaliya ka doodaan go'aankii 6-dii bishan ka soo baxay golaha wasiiradda ee xukuumadda Soomaaliya ee lagu dhiibay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

Xildhibaanada Soomaaliya ayaa arrintan si weyn ugu kala ra'yi duwan, iyadoo qeyb ka mid ah xildhibaanadu ay taageersan yihiin go'aanka xukuumadda oo ay sheegeen inay aheyd tallaabo sax ah halka kuwa kale ee ka soo horjeeda ra'yigaasna ay go'aanka Golaha Wasiirada ku tilmaameen inuu ahaa khiyaamo qaran.

Waa markii la shaacinayay inuu baaqday kulankii ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Soomaaliya maanta yeelan lahaayeen
Image captionWaa markii la shaacinayay inuu baaqday kulankii ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Soomaaliya maanta yeelan lahaayeen

Arbacadii ayey aheyd markii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay si aqlabiyad ah ku go'aansadeen in dhiibistii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax uu ahaa mid loo maray sharciga.

Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qalbi Dhagax uu xiriir la lahaa ururka Al Shabaab uuna ka tirsanaa ururuka ONLF.

Goluhu waxa uu sheegay in Qalbi Dhagax uu ahaa shakhsi ku howlanaa falal lidi ku ah ammaanka Soomaaliya iyo Itoobiya isagoo gacan saar la lahaa kooxda Al-Shabaab.