Qaramada Midoobey Oo Ka Hadashey Kaadh Qeybinta Doorashooyinka Somaliland , Heshiiska Dp World Iyo Wada Hadalka Somaliland Iyo Khaatumo

0
Sunday September 10, 2017 - 12:03:25 in by Burco Office
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobey Oo Ka Hadashey Kaadh Qeybinta Doorashooyinka Somaliland , Heshiiska Dp World Iyo Wada Hadalka Somaliland Iyo Khaatumo

    Qaramada Midoobey Oo Ka Hadashey Kaadh Qeybinta Doorashooyinka Somaliland , Heshiiska Dp World Iyo Wada Hadalka Somaliland Iyo Khaatumo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobey Oo Ka Hadashey Kaadh Qeybinta Doorashooyinka Somaliland , Heshiiska Dp World Iyo Wada Hadalka Somaliland Iyo Khaatumo

Qaramada Midoobey Oo Ka Hadashey Kaadh Qeybinta Doorashooyinka Somaliland , Heshiiska Dp World Iyo Wada Hadalka Somaliland Iyo Khaatumo

 

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Md Antonio Guterres ayaa dawlada

Somaliland ugu baaqay in ay damaanad qaado inaan mar kale la arag dib u dhac ku yimid doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka .

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo todobaadkan warbixintiisii saddex biloodlaha ah ee Somaliland iyo Somaliya u gudbiyey golaha amaanka ee qaramada Midoobay , waxaana uu qeybta uu kaga hadalaayo Somaliland uu ku sheegay in dib u dhacii doorashooyinku ay nusqaamiyeen sumcadii iyo kalsoonidii Somaliland ee geedi u socodka dimuqraadiyada .

 

Waxaase uu soo dhaweeyey diyaar garowga hada loogu jiro qabashada doorashada "Waxaan soo dhaweynayaa diyaar garowga maamulka Somaliland ugu jiro qabashada doorashooyinka madaxtooyada ee aadka u muddo dhaafay ee qorsheysan in ay dhacaan 13.11.2017 , dib u dhacyadaas soo noq noqdey ee doorashadu waxay abuureen walaacyo culus , waxaanay nusqaamiyeen kalsoonidii lagu qabay geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland " ayuu yidhi xoghayaha guud ee qaramada Midoobey .

Isaga oo hadalkiisii sii wata lana hadlaaya dawlada Somaliland waxaa uu yidhi " waxaan ugu baaqayaa maaamulka in ay damaanad qaadan inaanay dib u dhacyo dheeraad ahi ku imanin qabashada doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka "

Xoghayha guud ee qaramada Midoobay waxaa kale oo uu warbixintiisa kaga Hadley hawlaha guddiga doorashadu ay gobalada dalka kaga qaybiyeen kaadhadhka cod bixinta doorashada , waxaana uu xusay hawlaha kaadh qaybinta ee gobalada Somaliland .

Dhinaca kale xoghayaha guud ee qaramada Midoobey Antonio Guterres waxaa uu soo hadal qaadey cabashada uu farmaajo ka cawdey heshiiska Somaliland iyo Dp World ee dekada Berbera

" Inkasta oo uu madaxweyne Farmaajo si rasmi ah uga cawday heshiiska Dekada Berbera ee Somaliland iyo Shirkada Imaraadka Carabta ee Dp World , hadana bishii April wafti sare oo ka socda Imaraadka carabta ayaa ka qeyb galay daahfurkii 11 May " ayuu yidhi

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey waxaa kale oo uu war bixintiisa kaga Hadley wada hadalka u socda Somaliland iyo Maamulka Khaatumo iyo sidoo kale Magacaabista Marwo Edna Aadan oo uu madaxweyne Siilanyo u magacaabey ergayga wada hadalada Somaliland iyo Somaliya

Source:- Geeska