Hooyo Soomaaliyeed Iyo Wiilkeeda Oo Muddo 3 Sanno Darbi Jiif Ku Ah Wado Ku Taalla London+SAWIRRO

0
Wednesday September 13, 2017 - 09:12:36 in by Burco Office
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyo Soomaaliyeed Iyo Wiilkeeda Oo Muddo 3 Sanno Darbi Jiif Ku Ah Wado Ku Taalla London+SAWIRRO

    Hooyo Soomaaliyeed Iyo Wiilkeeda Oo Muddo 3 Sanno Darbi Jiif Ku Ah Wado Ku Taalla London+SAWIRRO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hooyo Soomaaliyeed Iyo Wiilkeeda Oo Muddo 3 Sanno Darbi Jiif Ku Ah Wado Ku Taalla London+SAWIRRO

Hooyo Soomaali iyo wiilkeeda oo hoy la’aan ah ayaa darbi jiif ku ah waddo ku taal magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaddib markii laga soo saaray guri ay degenaayeen.

Hooyadan iyo wiilkeeda ayaa muddo saddex sano hoy la’aan ah, waxaa gurigii ay degenaayeen laga soo saaray sanadkii 2014, kaddib markii ay ku guuldareysteen inay iska bixiyaan kiradii guriga.

Mid ka mid ah wargeysyada ugu waa weyn ee dalka Ingiriiska ayaa warbixin ka diyaariyay qaabka ay u nool yihiin hooyadan iyo wiilkeeda oo degay Marshamiyeedka Madbacad ku taal degmada Tooting ee Koofur galbeed magaalada London.


Hooyadan iyo wiilkeeda ayaa dhowr jeer la isku dayay in la dejiyo guri, lagana raro halka ay ku nool yihiin, si ay u helaan nolol ka wanaagsan tan ay iminka ku nool yihiin, waxaa loo soo bandhigay guri ay ku noolaadaan oo bishii ku kacaya lacag gaareysa 1,500 oo pound.

Balse waa ay diideen, waxaana ay doorteen inay isaga noolaan wadada dhinaceeda, illaa ay u yimaadeen qoysaskooda iyo bulshada Soomaalida ku nool London.

Ilo ku dhow dhow hey’adaha sama falka ayaa u sheegay Wargeyska Dailymail in dhowr jeer ay Booliska iyo bulshada Soomaaliya ay isku dayeen inay ka saaraan nolosha darbi jiifnimada waxaana dhowr jeer loo soo bandhigay guryo dhowr ah oo ay degaan, hase ahaatee waa ay diideen.