Yaa horumarin kara caafimaadka Afrika?

0
Thursday September 14, 2017 - 09:16:32 in by Burco Office
  • Visits: 473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa horumarin kara caafimaadka Afrika?

    Yaa horumarin kara caafimaadka Afrika?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yaa horumarin kara caafimaadka Afrika?

Koox khubaro dhanka caafimaadka ah ayaa waxa ay sheegayaan in ay suuragal tahay in jiil gudahii lagu soo yareyn karo kala duwanaanshaha dhanka caafimaadka ah ee u dhaxeeya Afrika iyo dunida inteeda kale.

Warbixin uu daabacay wargeyska caafimaadka ka faallooda ee Lancet, ayey khubaradu ku sheegeen in carruurta da'da yar ay isbadel muhiim ah ku keeni doonaan daryeelka caafimaadka.

Warbixintan ayaa maanta xilli dambe waxaa lagu soo bandhigi doonaa Xarunta Afrika ee Cilmi-baarista Caafimaadka iyo Dadka ee magaaladatan Nairobi.

Warbixintan ayaa waxaa wadajir u qoray in ka badan 20 hogaamiye oo ka shaqeeya daryeelka caafimaadka oo ay ka mid yihiin dadka siyaasadaha dajiya, aqoonyahanno iyo ganacsato.

Warbixintu waxa ay ka digaysaa in hannaanka caafimaadka aanan diiradda lagu saarin oo kaliya isbitaallada iyo bukaanada, balse sidoo kale diiradda la saaro tallaabooyinka ka hortagga ah iyadoo la adeegsanayo xalka gudaha.

Tusaale ahaan waxa ay ka digaysaa warbixintu khatarta weyn ee ka imanaysa cuduradda lala xiriiriyo tubaakada haddii dadka Afrika uusan ka faa'iidaysan fursadda taariikhiga ah ee lagaga hortegayo cabista sigaarka ee baahsan.

Waxa ay warbixintu leedahay maadaama da'yarta qaaradda lagu wado inay laba laabanto 450-ka milyan ee dhalinyarada ah wixii loo gaaro 2050-ka, ayaa dadka da'da yar waxa ay isbadel muhiim ah ku keeni doonaan hab nololeedka dadka iyo caafimaadkaba.

Warbixintu waxa ay sidoo kale ka digaysaa in haddii la dhimo maalgelinta caalamiga ah ay taa horseedi karto inay sii xumaato inta badan xaaladda caafimaad ee dadka ugu saboolsan koonkan.

Waxa ay warbixintu intaa ku dartay in inta badan dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika ay wax ka yar boqolkiiba saddex dakhliga ka soo gala wax soo saarka gudaha ay ku isticmaalaan caafimaadka, taas oo wax badan ka hoosaysaysa bartilmaameedka horumarinta adduunka.

Warbixintu waxa ay sidoo kale tilmaamaysaa in tiknolojiyadda cusub ee mobillada ay kaalin muhiim ah ka dheeli karaan arrintaas.

Tusaale ahaan barnaamij cusub oo Mobile-ka lagu shubto oo lagu magacaabo - mPedigree - oo lagu sameeyay gudaha dalka Ghana ayaa waxaa loogu talagalay in lagu aqoonsado dawooyinka been abuurka ah.