Hablihii Ay Boko Haram Soo Daysay Oo Xanaanayn Badan Kadib Qoysaskoodii Lagu Wareejiyey Iyo Waxbarasho Qaali Ah Oo Loo Fidiyey

0
Friday September 15, 2017 - 11:46:40 in by Burco Office
  • Visits: 525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hablihii Ay Boko Haram Soo Daysay Oo Xanaanayn Badan Kadib Qoysaskoodii Lagu Wareejiyey Iyo Waxbarasho Qaali Ah Oo Loo Fidiyey

    Hablihii Ay Boko Haram Soo Daysay Oo Xanaanayn Badan Kadib Qoysaskoodii Lagu Wareejiyey Iyo Waxbarasho Qaali Ah Oo Loo Fidiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hablihii Ay Boko Haram Soo Daysay Oo Xanaanayn Badan Kadib Qoysaskoodii Lagu Wareejiyey Iyo Waxbarasho Qaali Ah Oo Loo Fidiyey

Inkabadan boqol gabdhood oo ah "Chibok girls”oo ay dhowaan sii daayeen ururka Boko Haram ee dalka Nigeria ayaa dib ula midoobay qoysaskooda.

Gabdhahan ayaa ka mid ahaa 276 gabdhood oo ay ururka Boko Haram afduubteen sanadkii 2014 ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay lagu hayay xarumo ku yaal caasimada dalka Nigeria halkaa oo lagu xanaaneynayay.


Wasiirka haweenka dalka Nigeria Aisha Alhassan ayaa sheegtay in si wanaagsan ay gabdhahan u soo kabteen laguna wareejiyay waalidkooda xaflad ka dhacday magaalada Abuja.

Intabadan gabdhahan ayaa la sii daayay bishii May ee sanadkan kadib markii ay dowlada Nigeria oggolaatay inay ku bedelato shan ka mid ah dagaalyahanada Boko Haram.

Ms Alhassan ayaa sheegtay in gabdhahan ay waxbarashadooda sii wadan doonaan iyagoo wax ka baran doona mid kamid ah jaamacadaha ugu wanaagsan ee dalka Nigeria, American University of Nigeria, halkaa oo ay ka bilaabi doonaan waxbarasho gaar ah oo aasaasi.

Hase yeeshee waxaa gacanta ururka Boko Haram ku jira tiro ka badan boqol hablood kuwaasoo laga afduubay Chibok. Balse wasiirka arrimaha haweenka Nigeria Aisha Alshassan ayaa rajo ka muujisay in wadahadal lagu sii deyn doono gabdhahaas.

Ururka Boko Haram ayaa la rumeysan yahay in ay afduub ku haystaan kumanaan haween ah kuwaasoo ay ka qafaaleen magaalooyin ku yaal dalka Nigeria.