Xildhibaannada Kurdiyiinta oo haa ugu codeeyay aftida madaxbannaanida

0
Saturday September 16, 2017 - 11:26:34 in by Burco Office
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaannada Kurdiyiinta oo haa ugu codeeyay aftida madaxbannaanida

    Xildhibaannada Kurdiyiinta oo haa ugu codeeyay aftida madaxbannaanida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada Kurdiyiinta oo haa ugu codeeyay aftida madaxbannaanida

Baarlamaanka Kurdiyiinta Ciraaq ayaa waxa ay u codeeyeen in la taageero afti loo qaado madaxbannaanida, walow caalamka oo dhan uu arrintaasi ka soo horjeedo.

Dowlad goboleedka Kurdiyiinta oo kulankoodii ugu horreeyay muddo laba sanno ah yeeshay ayaa Jimcihii waxa ay ayideen codka la qaadi doono 25-ka bishan Sibteembar.

Dowladda dhexe ee Ciraaq ayaa Talaadadii diidday aftidaas waxa ayna ku tilmaantay mid dastuurka hareer marsan.

Iiraan, Turkiga iyo Mareykanka ayaa sidoo kale diiday codbixintaas, iyagoo ka baqaya inay arrintaa ka dhalato daganaanshiyo la'aan kale.

Bayaan ka soo baxay Aqalka Cad ee looga taliyo waddanka Mareykanka saacado kaddib markii codka la qaaday ayaa Dowlad Goboleedka Kurdiyiinta waxaa looga codsaday inay joojiso aftida oo ay "wadahadallo xasaasi ah oo wax ku ool ah ay la gasho Baqdaad".

Bayaanka ayaa ka digay in codka loo qaadayo madaxbannaanida ay suuragal tahay inuu "weeciyo dadaalada lagu doonayo in loogaga adkaado" maleeshiyaadka Ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.

Hasayeeshee waxaa farxad dareemayay dadka taageersan aftida.