Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Shaqada Ka Caydhiyey Afar Sarkaal Oo Ka Hawl Gali Jiray Xarunta Guud + [Magacyada Shaqaalaha La Eryey Iyo Xilalka Ay Hayeen]

0
Saturday September 16, 2017 - 12:11:44 in by Burco Office
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Shaqada Ka Caydhiyey Afar Sarkaal Oo Ka Hawl Gali Jiray Xarunta Guud + [Magacyada Shaqaalaha La Eryey Iyo Xilalka Ay Hayeen]

    Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Shaqada Ka Caydhiyey Afar Sarkaal Oo Ka Hawl Gali Jiray Xarunta Guud + [Magacyada Shaqaalaha La Eryey Iyo Xilalka Ay Hayeen]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Shaqada Ka Caydhiyey Afar Sarkaal Oo Ka Hawl Gali Jiray Xarunta Guud + [Magacyada Shaqaalaha La Eryey Iyo Xilalka Ay Hayeen]

fadhiisiyayafar sarkaal oo ka tirsanaa madaxda laamaha kala duwan ee Komishanka Qaranka Somaliland.


Afartan masuul ee guddiga Komishanku shaqo ka fadhiisinta ku sameeyeen ayaa kala ahaa Cali Xuunsho oo ahaa madaxa amaanka,Cabdi Buush oo ahaa ku xigeenka Amniga nin magaciisa naloogu soo koobay Cabdirisaaq oo ahaa madaxii shaqaalaha ee Guddiga Komishanka iyo Siciid oo ahaa waaxda Bakhaarka.


 

 

Ilaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo eryey shaqaalahan,hase’yeesheen sida wararku nagu soo gaadhay ee aan ku helnay ayaa waxay sheegayaan in shaqo ka fadhiisintani ay soo baxday labadii todobaad ee u danbeeyey.


Xogaha ayaa waxay sheegayaan in guddiga Komishanku ay buuxiyeen xilalka ay ka qaadeen afarta sarkaal ee ka hawl gali jiray xarunta guud ee guddiga Komishanka Qaranka Somalilanad.


Guddiga komishanka iyo saraakiishan la eryey midkoodna kama hadal arrintan,hase’yeeshee sida aan xogaha ku helayno ayaa waxay sheegaayn in uu jiro dhaq-dhaqaaq ay wadaan shaqaalahan shaqada laga eryey oo ay ku raad joogaan sababta loo eryey oo aan wali loo sheegin.


Gabagabadiina wakhtigan shaqaalaha la eryey ayaa kusoo beegmaya xilli guddiga Komishanka Doorashooyinku wadaan u diyaar garowga qabsoomida doorashada Madaxtooyada Somaliland oo loo qoondeeyey inay dhacdo 13 November 2017.


Source:- Waaheen