MADAX WAYNE SILAANYO OO QAYB KA MID AH DEKEDII BERBERA DIGREETO KU SOO SIIYAY GANACSADE GAARA +MUQAALKA DISMAHA
MADAX WAYNE SILAANYO OO QAYB KA MID AH DEKEDII BERBERA DIGREETO KU SOO SIIYAY GANACSADE GAARA+MUQAALKA DISMAHA
Waxa maalmihii ugu danbeeyay soo ifbaxaayay wararka sheegaya in madaxwayne axmed maxed maxmuud (silaanyo ) uu digreeto madaxwayne ku bixiyay qayb ka mid ah dekeda berbera isgoo siinayaa ganacsade gaar .warkan ayaa maalmihii ugu danbeeyay si xooga looga hadal hayay magaalada berbera .iyadoo markii danbena laba arkay qaybtan ganacsadaha gaar ah la siiyay oo dhisme ka socdo .dhismahaa oo u muuqda macdaarka baabuurta la dhigo .waxaana gabi ahaan qaybta laga raray gaadiidka damdamiska ah hore ugu ooli jiray dekeda berbera .iydoo qaybtan ahayd wajahad hore ee dekeda laga soo galo .waana qaybaha muddoyinkii danbe lagu soo kordhiyay dekeda berbera .hadab arintan uu madaxwaynaha Somaliland ku kacay ayaa waxa si aad uga soo hor jeeda ganacsada kale ee somalilnad waxaana qaar ka mid ah ganacsadada kale oo la kulmay ayaa ii sheegen inay hadii iyagana qaybo laga siin waayo dekeda berbera ay la macaamilkiida joojin doonaan iygoo arinta ku sababeeyay in hadii macdaar baabuur iyo adeegyo kale qabanaya wajahada dekeda laga dhigo in meesha ay ka baxayaan macdaaradii kale ee dalka sababta oo ah macdaarkan wuxuu noqon doona mid heer caalami ah oo dadka dekeda alaabta kala soo dega iyo dadka kale ee soo bookhda ku qancaan meesha uu ku yaalo oo ah goob strategic awgeed " ganacada ii waramay ayaa ka gaabsady inuu macagciisa xuso
warku wuxuu intaa ku daryaa in arinta digreeda madaxwaynuhu timi wakhtigii mareeyaha dekeda berbera uu safarka dibada ku maqnaa si deg deg ahna loo dhaqan galiayay . su.aasha is waydiina mudan ayaa hadab ah dekeda berbera wakhtigan ma u baahan tahay in iyada la kala dhantaalo oo qaybo la bixiyo mise waxay u baahan tahay in la fidiyo oo barxado badan lagu soo kor dhiyo iyo wajahado qurux badan ganacsadadu ku ganacdo ?
Su.aasha labaad waxa weeye meeday maal gashigii loo raadinaayay mudada dekeda berbera ee la sheegay inay imanayso shirka bell ore mise shirkadaba waxaaba la keenaya meel la baloodhaystay ?
Waxaad arki kartaa wakhtiga dekeda berbera ay markiib aad u badani ku soo xidhato inay barxada ay dekedu iminka haysato aad ugu yar tahay oo macdaadka kala duwan ee ka soo degaa buux dhaafiyaan barxada dekeda .waxaana kala qar sooma dadka dhex maraaya iyo alaabta taala .
Digreetada la sheegayo in madaxwayne silaanyo ku soo bixiyay dekeda waxay qayb ka noqonaysaa digeetooyinkii hore ee ugu soo bixiyay ee meel danta guud ah ee berbera sida xarunta kaluumaysiga ee nag fish oo gacanta u gashay gancsade alxarbi iyo warshadii sibidhka ee ka fashilnatay dahabshiil .tan uu maanta gacanta ku dhigay ganacsade shine .oo ahaa mukhalis ka ahna wakiilka shirka ilays ee gobolka saaxil .
Wariye mubaarik nirig /berbera
MADAX WAYNE SILAANYO OO QAYB KA MID AH DEKEDII BERBERA DIGREETO KU SOO SIIYAY GANACSADE GAARA +MUQAALKA DISMAHA
iyadoo markii danbena laba arkay qaybtan ganacsadaha gaar ah la siiyay oo dhisme ka socdo .dhismahaa oo u muuqda macdaarka baabuurta