Antonio Guterres oo mar kale baaq u diray hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi.

0
Sunday September 17, 2017 - 09:17:45 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antonio Guterres oo mar kale baaq u diray hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi.

    Xoghayaha guud ee Qaramada midoobe Antonio Guterres ayaa mar kale ugu baaqay hogaamiyaha Myanmar, Aung San Suu Kyi,in ay soo afjarto howlgalada militari ee ku qasbay kumanaanka kun ee qof ee ah muslimiinta Rohingya in ay u qaxaan Bangladesh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobe Antonio Guterres ayaa mar kale ugu baaqay hogaamiyaha Myanmar, Aung San Suu Kyi,in ay soo afjarto howlgalada militari ee ku qasbay kumanaanka kun ee qof ee ah muslimiinta Rohingya in ay u qaxaan Bangladesh.
Mr Guterres ayaa u sheegay BBC in Aung San Suu Kyi ay haysato fursad ay dib u eegis ugu samayn karto xaaladda marka ay khudbadda u jeedinayso qaranka talaadada soo socota.
Mr Guterres ayaa sheegay in haddii aysan imika tilaabo qaadin ay musiibada noqon karto mid naxdin leh.
Xoghayaha guud ee qaramada Antonio Guterres ayaa carabka ku adkeeyay in dadka rohingya loo ogolaado in ay dalkooda dib ugu labtaan.
Waxa uu sheegay in ay iska caddahay in uu jiro cadaadis ka imanaya militariga Myanmar.
Maxaa soo cusboonaysiiyay qaxa Muslimiinta Rohingya?
Ma taqaan hogaamiyaha ciidanka badbaadinta Rohingya?
Cadeyn cusub oo loo helay tuulooyin Rohingya oo la gubayo
Qaramada midoobe ayaa hore ugu tilmaamtay wax ka socda Myanmar isir sifeyn.
Aung San Suu Kyi oo hore loo siiyay abaalmarinta nabdda ayaa imika wajahaysa cadaadis xoogan oo ku saabsan in ay wax ka qabato howlgalada militari ee ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya.
Dad gaaraya 400,000 oo qof oo ah Muslimiinta Rohingya ayaa ka qaxay Myanmar islamarkana gaaray dalka dariska la ah ee Bangaladesh.


BBC Somali