Boqolaal Qof Oo Loo Xidhxidhay Dadkii Soomaalida Ahaa Ee Lagu Xasuuqay Itoobiya

0
Sunday September 17, 2017 - 09:26:05 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqolaal Qof Oo Loo Xidhxidhay Dadkii Soomaalida Ahaa Ee Lagu Xasuuqay Itoobiya

    Addis Ababa(AFKA);-Dawladda Ethiopia ayaa sheegtay in boqolaal qof oo lala xidhiidhinayo shaqaaqadii dhawaan ka dhex dhacday qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee wada dega bariga Waddanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Addis Ababa(AFKA);-Dawladda Ethiopia ayaa sheegtay in boqolaal qof oo lala xidhiidhinayo shaqaaqadii dhawaan ka dhex dhacday qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee wada dega bariga Waddanka.

Wasiirka warfaafinta, Negeri Lencho, ayaa sheegay in tobanaan qof lagu xidhay magaalada Awaday oo keli ah, halkaas oo isku dhacyadii ugu ba’naa ka dhaceen.

Ugu yaraan sideed iyo toban qof ayaalagu dilay, soddon kun oo qof oo kalena way ku barakaceen mashaqadaa dhacday maalmihii la soo dhaafay. Dadka qaarna waxay sheegeen in tirada dhimashadu intaa ka badan tahay.

Gobollada Oromada iyo Soomaalida ayaa ah labada ugu bedka weyn gobollada dalka Ethiopia, had iyo goorna labada qoomiyadood waxay isku dilaan lahaanshaha dhulka, biyaha iyo baadka.

Deegaannada Oromada iyo Soomaalida ayaa dhul ahaan ah kuwa ugu weyn dalka Itoobiya, waxaana ay wadaagaan soohdin dhererkeedu gaadhayo 1,400 km.

Sanadkii 2004-tii, afti laga qaaday 420 tuulo ama waxa Ethiopia looga yaqaan Qabele [unugga maamul ee ugu yar] oo lagu muransanaa, ayaa boqolkiiba 80 loo go’aamiyay in ay ka tirsan yihiin gobolka Oromiya.

Arintaas ayaa dhalisay in kumannaan Soomaali ahi ay ka barakacaan tuulooyinkaasi, iyagoo ka cabsanaya inay dhibaato uga timaado Oromada.

Go’aankaas ayaan weli la hirgelin, waxaana la sheegayaa inay arintaasi qeyb ka tahay colaadda hadda soo cusboonaatay.